Home Blog

Private: Asura Afsomali

0
Not rated yet!

Half Girlfriend

More Than A Friend, Lesser Than A Girlfriend

2017
Overview

Madhav Jha, a rustic boy from Bihar who is drawn to his college-mate, Riya Somani, an affluent English-speaking girl from Delhi. There’s just one hitch here. Riya is willing to go thus far and no further; Madhav continues being obsessed with her. Will the Bihar boy and the Delhi girl make it past the half-way mark?

TOP 5

More Interesting Movies

Geysiga Iyo Quruxleyda Qeybta 40-aad

0

Gesiga Iyo Quruxleyda waa musalsal Turki ah kaas oo laguugu tujumay luqada afkaada hooyo ee afsoomaali, musalsalka Geysiga iyo Quruxleyda waxaa atoore iyo atiisho ka ah ama wada sameynayaan atooraha caanka ee Kıvanç Tatlıtuğ sidoo kale waxaa atariisho ka ah atariishada quruxda badan ee Tuba Buyukustun, Musalsalkaan waa musalsal cusub oo ay SomFilms Productions idiin soo tiyaarisay, waxaadna bilaaw ilaa dhamaad kala socon doontaan SomFilms.net iyo Somseries.com.

Geysiga Iyo Quruxleyda Qeybta 39-aad

0

Gesiga Iyo Quruxleyda waa musalsal Turki ah kaas oo laguugu tujumay luqada afkaada hooyo ee afsoomaali, musalsalka Geysiga iyo Quruxleyda waxaa atoore iyo atiisho ka ah ama wada sameynayaan atooraha caanka ee Kıvanç Tatlıtuğ sidoo kale waxaa atariisho ka ah atariishada quruxda badan ee Tuba Buyukustun, Musalsalkaan waa musalsal cusub oo ay SomFilms Productions idiin soo tiyaarisay, waxaadna bilaaw ilaa dhamaad kala socon doontaan SomFilms.net iyo Somseries.com.

Filmka Raja The Great Iyo Ganacsiga Uu Sameeyay Mudo 5-maalmood Ah Dibad Iyo Dal

0

Mass Maharaja Ravi Teja filimkiisa Raja The Great  mudo 5-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay waxaa si rasmi ah usoo bandhigtay shabakada Andhara Boxoffice.

Filimkaan Telugu ah ee Ravi Teja indhoole ama camoole ku jilaayo ganacsi fiican ayuu sameeyay 5-tiisa maalmood ee ugu horeyso wuxuuna keenay 34.20 Crore (Worldwide Gross) isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sidoo kalena saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 20.95 Crore, haatana 67% dib ayuu usoo celiyay lacagaha ay kooxda cajaladaha qeybiyeen ku iibsadeen.

Filimka Raja The Great ganacsiga uu suuq walbo ka sameeyay mudo 5-maalmood ah oo ay shabakada Andhara Boxoffice soo daabacday fadlan hoos kaga bogo:

Dhulweynaha Telugu Nizam/AP wuxuu ka keenay 28 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 18.55 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 3.10 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 1.31 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 2.10 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.74 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.35 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Laga Helay 34.20 Crore, Saamiga Guud Ee Laga Helay 20.95 Crore

Raja The Great Sida Flop Ama Hit Uu Ku Noqon Karo Madaama 31.50 Crore Lagu Iibsaday:

Blockbuster wuxuu ku noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan 47.25 Crore+

Super Hit wuxuu ku noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan 37.80 Crore ilaa 47.24 Crore

Hit wuxuu ku noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan 31.50 Crore ilaa 37.79 Crore

Above Average wuxuu ku noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan 28.35 Crore ilaa 31.49 Crore

Average wuxuu ku noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan 25.20 Crore ilaa 28.34 Crore

Flop wuxuu ku noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan 21 Crore ilaa 25.19 Crore

Disaster wuxuu ku noqon karaa marka kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan 21 Crore iyo ka hoose marka laga helo.

Waa Maxay Sababta Salman Khan Ugu Soo Qeyb Gali Waayay Xaflada Diwali Ee Aamir Khan Sameystay

0

Maalmo Ka hor Aamir Khan ayaa dhigay xaflad kasoo qeyb galeen qaar ka mid jilaayaasha Bollywood-ka ugu caansan sida Super Star Shah Rukh Khan iyo kuwa kale oo badan.

Haddaba xafladaas weyn ee kasoo qeyb galeen jilaayaasha caanka ah laguma arkin Salman Khan oo ka qeyb galay xafladaha kale sida walaashiisa Arpita Khan Sharma maal giliye Ramesh Taurani iyo midka Sanjay Dutt.

Sidaa daraadeed saxaafada ayaa soo saartay sababta Salman Khan ugu qeyb gali waayay xaflada Aamir Khan haddaba sida warbaahinta kasoo xiganay.

Salman Khan wuxuu ku sugnaa maalinta khamiista oo habeenkii la qabanaayay xaflada Aamir Khan beertiisa uu nasashada u tago maadaama jimcadii uu amba baxi rabay dalka Greece uu kusoo duubi lahaa hees ku jirto filimkiisa Tiger Zinda Hai.

Salman Khan ayaana qorshaha ugu jirin inuu xaflad ka qeyb galo habeenka khamiista maadaama uu daal dareemaayay.

Haatan Salman Khan iyo Katrina Kaif waxay ku sugan yihiin dalka Greece ayagoo ku duubi doona hees jaceyl oo filimka TZH ku jirto oo la daawan doona 22 December 2017.

Vijay Wuxuu Xujeestay Atoorayaasha Koonfur Hindiya Oo Dhan Madaama Mersal Uu Noqday Filimkiisa Lixaad Ee 100 Crore Sameeyo

0

Vijay wuxuu ku jiraa xaalad heer sare ah awood ahaana looma dhawaan karo madaama filim walbo ee uu la imaado ganacsi aad u sareeyo sameenayo.

Vijay filimkiisa Mersal mudo 5-maalmood ayuu 100 Crore ka badan ku gaaray isku darka gudaha Hindiya wuxuuna noqday filimka 6-aad ee Super star-kaan hogaamiye ka yahay ee darajada 100 Crore gaaro.

Sida Andhara Boxoffice cadeesay ma jiro atoore Koonfur Hindiya ka hawl galo oo sameeyay 6-filim 100 Crore ka badan soo xareeyay isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka kaliya darajadaan Vijay ayay gaar u tahay.

Superstar Vijay 6-diisa filim ee lacagaha 100 Crore ka badan soo xareeyay isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka fadlan hoos kaga bogo:

1. Mersal (2017) – 146 Crore (mudo 5-maalmood ah qiyaasta xili hore)

2. Theri (2016) – 143.6 Crore

3. Thuppakki (2012) – 125 Crore

4. Kaththi (2014) 125 Crore

5. Bairavaa (2017) – 111 Crore

6. Puli (2015) – 101.9 Crore

Sida sare ka muuqato filimka Mersal mudo 5-maalmood ah ayuu ku noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyya ee Vijay sameeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka lacagaha lasoo xareeyo.

Run ahaantii Vijay wuu xujeestay atoorayaasha Koonfur Hindiya madaama uu noqday atooraha kaliya ee sameeyay 6-filim oo 100 Crore ka badan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Filimka Raju Gari Gadhi 2 Mudo 10-maalmood Ganacsiga Uu sameeyay Dibad Iyo Dal Intaba Halkaan Ka Boggo

0

Superstar Nagarjuna iyo gabadha uu sodaga u yahay Samantha filimkooda Telugu ah Raju Gari Gadhi 2 mudo 10-maalmood ganacsiga uu sameeyay waxaa soo bandhigtay shabakada Andhara Boxoffice.

Filimka Raju Gari Gadhi 2 haatan waa mid guuleestay wuxuuna gaaray darajada Average asigoo ka faa’iideestay feestada Diwali ganacsi ahaan.

Filimka Raju Gari Gadhi 2 mudo 10-maalmood wuxuu soo xareeyay 33 Crore (Worldwide Gross) isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sidoo kalena saamiga guud waxay kooxda cajaladaha qeybiyaan ka helaan 18.25 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Raju Gari Gadhi 2 suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay mudo 10-maalmood ah sida shabakada Andhara Boxoffice ay soo daabacday:

Dhul weynaha Telugu Nizam/AP wuxuu ka keenay 25.10 Crore, Saami ahaana waxaa laga helay 15.25 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 4.15 Crore, Saami ahaana waxaana laga helay 1.65 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 2.15 Crore, Saami ahaana waxaana laga helay 0.75 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.60 Crore, Saami ahaana waxaana laga helay 0.60 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Uu Keenay 33 Crore, Saamiga Guudna Waxaa Laga Helay 18.25 Crore

Filimka Raju Gari Gadhi 2 kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 24 Crore, haatana mudo 10-maalmood 18.25 Crore ayay ka heleen taasi oo ka dhigan inuu dib usoo celiyay lacagtiisa 76% haatana darajada Average ayuu taagan yahay.

Anniyan Afsomali

1
Not rated yet!

Anniyan

2005
Overview

Ambi, a meek lawyer, ends up being a vigilante named Anniyan, and a supermodel named Remo, after suffering with multiple personality disorder due to the society.

TOP 5

More Interesting Movies

Hambalyo Esha Deol Oo Maanta Gabar Ku Curatay

0

Dhamendra Deol iyo Hema Malini farxad uma dhino madaama ay maanta nolosha kusoo dhaweeyeen gabbar yar oo ay awoowe iyo ayeeyo u yihiin waxaana ku curatay Esha Deol.

Esha Deol iyo seygeeda Bharat Takhtani ayaa si rasmi ah u xaqiijiyeen in gabbar noloshooda kusoo korodhay sidoo kalena Esha caafimaad ahaan iyo cunigeeda xaalad wanaagsan ayay ku sugan yihiin.

Esha ayaa ku dhashay Hinduja Hospita oo ku yaalo magaalada Mumbai waxayna ku faraxsan tahay markii ugu horeesay inay hooyo noqotay.

Hema Malini ayaa aad u faraxsan waxayna noqotay ayeeyo mar labaad ayadoo horey ayeeyo ugu noqotay gabadheeda Ahana Deol oo cunug Darien la dhaho u joogo.

Esha Deol iyo Bharat Takhtani waxay aqal galeen sanadii 2012 waana labo shaqsi oo aad isku fahansay waxna isla soo barteen mudo dheerna aqoon isku lahaayeen.

Shabakada Filimwade Waxay Leedahay Hambalyo Esha Deol……..

Golmaal Again Maanta Oo Isniin Ah Siweyn Ayuu U Gadmayaa

0

Waa wax aan horey u dhicin filim subaxdii hore tiyaatarada saaran in shabakada Boxoffice India maqaal kasoo daabacdo xeerkaasna Golmaal Again dartiis ayay u jebisay!

Shabakada Boxoffice India ayaa Golmaal Again maqaal kasoo daabacday madaama oo Isniin ah uu ganacsi adag sameenayo, maqaalka ay soo daabacday afkaaga hooyo SomFilms Productions ayaa kuugu turjuntay fadlan hoos kaga bogo:

Golmaal Again maanta ganacsi heer sare ah ayuu sameenayaa weliba subaxdii hore si adag ayuu ku bilaawday, inkastoo xili hore tahay hadana qiyaas ahaan 15 Crore ayuu maanta keeni doonaa!

Golmaal Again wuxuu ka yara faa’iideesanaa fasax qeybeed ka jiro Gujarat / Saurashtra bals Hindiya inteeda kale ayadoo fasax ka jirin ayuu sida maalin fasax camal u gadmayaa.

Golmaal Again maanta ayuu 100 Crore gaari doonaa waana guul weyn kooxda filimkaan usoo hoyotay wuxuuna kaga duwan yahay taxanahan qeybihiisa hore inuu gobol walbo ka gadmaayo Waqooyi, Bari, Koonfur iyo Galbeed.

Golmaal Again 50% hoos u dhac ayuu sameen doonaa ganacsi ahaan maalintiisa afaraad marka lala bar bar dhigo maalintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay waana arin la aqbali karo madaama maalintiisii kowaad fasixii Diwali uu kusoo aaday.

Ganacsiga uu Golmaal Again maanta oo Isniin ah sameenayo ayaa xaqiijisay inuu noqon doono Hit-ka ugu weyn 2017 waxaana hada kadib la wada dhowri doonaa filimkaan guushiisa baaxad ahaan halka ay gaari karto ama inuu noqon karo Blockbuster-ka ugu horeeyo 2017.