Ahan Shetty Atirishada Filmkiisa Kowaad La Sameeneyso Oo La Ogaaday

8

Waxaan horey idin kula wadaagnay ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty uu soo caan bixinaayo soo saare Sajid Nadiadwala oo wiilkan la saxiixday sameynta sedex filim inuu shirkadiisa Nadiadwala Grandson u sameeyo.

Mumbia Mirror ayaa qortay in Ahan Shetty filimkiisa Action-ka iyo jaceylka isku jiro laga hawl gali doono bisha April ee sanadkaan waxaana atirisho kowaad looga dhigay Hitika Galani oo uu aabo u yahay filim soo saaraha caanka ah Vijay Galani.




Hitika Galani waxay tiri “Waxaan ku faraxsanahay in walaal Sajid isoo caan bixin doono, waxay ila ahayd kaftan marka uu i dhahay 5-sano ka hor atirisho ayaan kaa dhigi doonaa”.

Hitika Galani waxay iska diiday inay saxaafada u xaqiijiso in Ahan Shetty ay lasoo caan baxeyso ama taxanaha Housefull 4 inay wax ka jileyso waxayna tiri “Waxaan idiin xaqiijin karaa in Housefull aan kusoo caan bixi doonin balse filim kale oo Sajid iska leeyahay ayaan sameyn doonaa”

Hitika Galani waxaa aabo u ah soo saaraha ruug cadaaga ah kaasi oo filimada Achanak (Govinda), Ajanabee (Akshay-Bobby Deol), Veer (Salman Khan) iyo kuwo kale sameeyay.

8 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here