Arjun Rampal Miyuu Shaqada Ka Nasan Doonaa Kadib Qalinkii Dhanka Isha Looga Sameeyay

Dhawaan waxaan idinla wadaagnay in atooraha caanka ah Arjun Rampal qaliin dhanka inshaha looga sameeyay kadib markii jug yar soo gaartay.

Haatan Arjun Rampal ayaa sheegay inuu shaqada filim jilista ka nasanaayo ilaa uu kasoo kabanaayo xidigaan la wada jecel yahay.

Arjun Rampal ka hor dhaawaca dhanka isha uusan soo gaarin wuxuu dhameestiran duubista filimkiisa Daddy ee looga hadlaayo nolosha Gangester-kii Mumbai caanka ka ahaa Arun Gawli.

Arjun Rampal wuxuu xaqiijiyay inuu duubista filimkiisa Aankhen 2 bisha Maarso bilaabi doono marka uu dhaawaca dhanka isha kasoo kabto sidoo kalena qoyskiisa waqti la qaato.

Arjun Rampal ayaa amaan balaaran ku helay filimkiisii ugu dambeeyay Kahaani 2 wuxuuna sheekadan ka yiri “Waa arin wanaagsan in dadka filimada ka faaloodo doorkeyga Kahaani 2 amaanaan waayo inta badan dadka filimada ka faaloodo wey naqdin jireen qaab jiliinkeyga”

You may also like...

0 thoughts on “Arjun Rampal Miyuu Shaqada Ka Nasan Doonaa Kadib Qalinkii Dhanka Isha Looga Sameeyay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: