Athiya Shetty “Qof Bollywood-ka Ka Tirsan Saaxiib Lama Ihi Xiligaan!”

Inkastoo Athiya Shetty aabaheed Suniel Shetty uu kasoo muuqday in ka badan 100-filim oo Hindi ah sidoo kalena loogu yeero “Anna of Bollywood” ama walaalka Bollywood-ka hadana xidigtaan arin yaab badan ayay ka dhawaajisay.

Athiya Shetty ayaa ka dhawaajisay sanadii 2015 markii ay filimkeedii kowaad Hero kusoo caan baxeesay inay fanka wax saaxiib ah ku laheyn xiligaas ilaa haatan.

Athiya Shetty ayaa sheegtay inay dhexda kasoo gashay duni ku cusub sidoo kalena uusan jirin qof garab gaar ah siiyay ama ka caawiyay la qabsiga Bollywood-ka madaama waligeed aysan la saaxiibin qofka fanka ehel u ah.

“Wax xariir ah Bollywood-ka lama yeelanin xitaa markii aan yaraa marar dhif ah ayaan aabahey u raaci jiray goobta uu filimadiisa ku duubayo”

“Sidaa darteed 2015 waxaan kusoo biiray duni aan hal qof ka aqoonin ilaa haatan saaxiib xitaa Bollywood-ka kuma lihi midaasna waxay cadeyn u tahay inaan isku haleynin magaca aabahey oo aan ahayn qof garab kusoo gashya fanka”

“Waxan rabaa ina aan shaqada Bollywood-ka ku dhex jiro inaan saaxiibo cusub sameesto mana rabi in qof walbo uu ii soo dhaweesto inaan ahay gabadhii Suniel Shetty, laakiin shaqadeyda ayaan rabaa inaan meel ku maro ama ku haro!”

Athiya Shetty waxay haatan ku mashquulsan tahay duubista filimka Mubarakan oo ay la jileyso Arjun Kapoor, Anil Kapoor iyo Ileana D’Cruz waana filim shactiro ah oo Director Aneez Bazmee iska leeyahay ayadoo la daawan doono 28-ka July 2017.

You may also like...

0 thoughts on “Athiya Shetty “Qof Bollywood-ka Ka Tirsan Saaxiib Lama Ihi Xiligaan!””

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: