Barcelona Oo Rikoor Xun Sameysay Intii Lagu Jiray Qeybtii H–e Ciyaarta Kulankii Real Sociedad Ee Xalay

Barcelona ayaa xalay ku guuldareysatay iney soo idleyso habaarka ka heysta garoonka Anoeta Stadium markii ay barbaro dirqi ah keensadeen taasna waxey ka dhigan tahay iney lix dhibcood ka hooseeyaan kooxda Real Madrid ka hor kulanka El-Clasico ee horaanta bisha soo aadan ka dhici doona Camp Nou.

Inkastoo Barcelona aysan xalay sidii laga filayay u ciyaarin hadana rikoorka aan wanaagsaneen oo ay sameeyeen ayaa ah ineysan diilinta ganaaxa kooxda Real Sociedad gaarin 41-kii daqiiqo ee ugu horeeyay madama ciyaartoyda Real Sociedad ay MSN iyo ciyaartoyda kale ka ilaalsheen iney diilintooda soo istaagaan.

Kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ayaa hal isku day sameeyay qeybtii h–e ciyaarta, balse wuxuu ahaa mid aan goosha ku aadin Luis Suarez ayaana tuuray.

Si kastaba qeybtii h–e waxaa lagu maray 0-0, balse Barcelona waxey u aheyd 45-kii daqiiqo ee ugu xumaa xagaagan madama aysan wax cadaadis ah saarin goolka. halka Sociedad ay muujiyeen isku xirnaan dhanka daafaca ah oo aad u weyn.

You may also like...

0 thoughts on “Barcelona Oo Rikoor Xun Sameysay Intii Lagu Jiray Qeybtii H–e Ciyaarta Kulankii Real Sociedad Ee Xalay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: