Bikranimada Karan, Sidharth Oo Raba Inuu La Baashaalo 3 Atariisho Iyo Jacqueline Oo Nin Raadsaneysa – Akhriso Waxyaabihii Ugu Xiisaha Badnaa Showga KWK

Kusoo dhawoow Koffee Virgin Show – waxay aheyd jumladdii kaftanka aheyd ee uu daadihiyaha showgaan Karan Johar kusoo dhoweeyey atariishada Bollywood Jacqueline Fernandez markii ay kasoo muuqatay showgiisa KWK5, wuxuuna halkaas ku caddeynayaa inuu isagu weli bikro yahay oo uusan abid galmo sameyn.

Malaha Karan Johar wuxuu doonayey inuu qaab dadban u shukaansado atariishada Jacqueline Fernandez iyadoo weliba la joogo shaashadda isla markaana adduunka oo dhan laga daawanayo.

Atooraha dhallinyarada ah ee aadka loo jecel yahay Sidharth Malhotra oo ahaa shaqsigii showgaan usoo kexeystay Jacqueline Fernandez ayaana waqtigii uu heystay si weyn ugu madadaaliyey dadka oo dhan mana jirin wax uu qariyey Sid. Waxaana xalqaddaan lagu tilmaami karaa middii illaa haatan ugu xiisaha badneyd showga KWK5 sannadkaan.

Daadihiye Karan Johar ayaa weydiiyey Jacky sababta ay usoo xiratay lebiska iyada oo dhan daboolay maadaama uu doonayey in qeybo ka mid ah jirkeeda ay soo banneyso si loo daawado. Balse Sidharth Malhotra ayaa jawaabtaas ka dafay: “Lebis ku habboon ayey xiran tahay, umana baahna inay jirkeeda banneyso”.

Wixii intaas ka dambeeyey, 31 sanno jirtaan asal ahaan kasoo jeeda dalka Bahrain Jacky waxay ka hadashay sida ay ugu dhiban tahay nolosha iskaabulonimada ee ay mudada dheer ku jirtay isla markaana ay xiiso ugu qabto inay xiriir jaceyl sameysato.

Kjo oo hadalkaas ka faa’iideysanaya ayaana ku duray quruxleydaan inay ka jawaabto wararka xanta ah ee sheegaya inuu xiriir hoose oo dhanka jaceylka ah kala dhexeeyo jillaaga dhallinyarada ah Arjun Kapoor, waxayna ku tiri: “Xitaa abid ma noqon laba saaxiib oo isku wanaagsan”.

Sidharth Malhotra ayaana ka dib wuxuu go’aansaday inuu talo ugu deeqo Karan Johar iy atariishada Kareena Kapoor Khan wuxuuna ugu baaqay inay sameystaan WhatsApp Group maadaama uu ka caawin karo inay helaan aragtida shaqsi kasta iyo arrimaha la xiriira wararka xanta ah ee Bollywood.

Hadalka waxaa la wareegay Jacky waxayna ka hadashay xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhexeeya atariishada Sonam Kapoor iyadoo sheegtay inay tahay saaxiibteeda ugu wanaagsan taasoo ay markasta waqtiga oo dhan isla joogaan.

Dhankiisa, Sidharth wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya inay isku dhacsan yihiin Varun Dhawan, isagoo daaha ka qaaday inuu yahay saaxiibkiisa ugu wanaagsan oo aysan wax dhibaato ah kala dhexeyn jillaagii la sameeyey filimka Student of the Year.

Waxaa lasoo gaaray su’aashii xiisaha badneyd, Dil, Guurso, Baashaal – Sidharth ayaana u sheegay Karan Johar in uusan dili karin isla markaana guursan karin midkoodna seddaxdii atariisho ee uu doorashada u siiyey waana Alia Bhatt, Jacquline iyo Katrina Kaif, bedelkeeda wuxuu daaha ka qaaday inuu door bidayo inuu la baashaalo dhammaan seddaxdooda… Goobta ayaana qosol isqabsaday.

Guud ahaan, Sid iyo Jacky waxay ku guuleysteen quluubta daawadeyaasha waxaana xalqaddooda lagu tilmaami karaa middii madadaalo ahaan iyo kaftan ahaan ugu fiicneyd showgaan caanka ah sannadkaan.

You may also like...

0 thoughts on “Bikranimada Karan, Sidharth Oo Raba Inuu La Baashaalo 3 Atariisho Iyo Jacqueline Oo Nin Raadsaneysa – Akhriso Waxyaabihii Ugu Xiisaha Badnaa Showga KWK”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: