Eden Hazard Oo Tilmaamay Labada Kooxood Ee Chelsea Kula Tartami Kara Hanashada Horyaalka Ingiriiska Xagaagan

Eden Hazard ayaa tilmaamay labada kooxood ee kooxdiisa Chelsea kula tartami kara hanashada horyaalka Ingiriiska xagaagan isagoo meesha ka saaray awoodda ay ku tartami karaan Arsenal iyo Manchester United.

Madama uu diiday inuu kooxaha Arsenal, United iyo Spurs u calaamadiyo iney ku jiraan tartanka horyaalka EPL-ka xagaagan wuxuu ka dhawaajiyay in labada kooxood ee ay cabsida ka qabaan ay yahiin Manchester City Iyo Liverpool.

Si kastaba Blues waa hogaanka horyaalka iyadoo 31-dhibcood aruursatay 13-kulan oo ay ciyaartay, waxeyna sabtida u safri doonaan Etihad Stadium markaas oo ay la ciyaari doonaan Manchester City.

“Manchester City Iyo Liverpool” Ayuu ku jawaabay mar la weydiiyay kooxaha kula tartami kara Chelsea hanashada horyaalka Ingiriiska.

“Labadooda wey fiican yahiin. hadii aan dooneyno inaan ugu dambeynta ku guuleysano, waa inaan ka sara marnaa ayaga” ayuu yiri mar kale Eden oo tilmaamay halista labadaan kooxood iney tahay mid aan liidan.

Dhanka kale Eden Hazard ayaa dareensan in safarka magaalada Manchester uu yahay mid dhib badan balse si walba ay doonayaan iney kusoo adkaadaan Etihad Stadium.

“Waan ognahay iney mar walba dhib badan tahay in halkaas lagu guuleysto”

“Waxey guul ka heleen Burnley waxeyna heystaan ciyaartoy waaweyn sida: Sergio Aguero Iyo Kevin De Bruyne. waxaan filayaa inuu yahay kulan fiican, hadii aan guul gaarnana waa mid wanaagsan”

You may also like...

0 thoughts on “Eden Hazard Oo Tilmaamay Labada Kooxood Ee Chelsea Kula Tartami Kara Hanashada Horyaalka Ingiriiska Xagaagan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: