Filimada Box-Office Isku Dhici Doono Sanadka Soo aadan, SRK, Anushka, Salman Iyo Aishwarya Dagaal Loo Dhanyahay Ayaa Dhaxmari Doono

1

Bollywood Film Industry waxay soo saaraan kumanaan filim sannad walba, laakiin marka ay timaado maalinta filimka la saaranayo inta badan aflaantoodu waa ay isku dhacaan.

Keliya 52 Jimco ayaan sannadka oo dhan ku heysannaa. Sidaas darteed waa iska caadi in aflaan qarash aan caadi aheyn lagu maalgeliyey ay isku hardiyaan Box Office. Sannadka soo aadan 2018ka waxaan sidii caadada aheyd arki doonaa aflaan kale oo isku dhaceysa.




Aflaanta isku dhaceysa oo isku waqtiga la saari doono tiyaatarrada waxaa ka mid ah filimka uu hogaamiyaha ka yahay Sidharth Malhotra ee Aiyaary kaasoo ku dhici doona filimka ay hogaamineyso Anushka Sharma ee Pari 9ka bisha Febraayo ee sannadka soo aadan ayaana la daawan doonaa.

Filimka Rani Mukerji ee Hichki ayaa 23ka bisha Febraayo ee sannadka soo aadan ku dhici doona filimka Parmanu oo uu hogaamiye ka yahay John Abraham.

2da bisha March waxaan arki doonaa aflaanta Drive iyo Hate Story 4 oo isku mar shaneemooyinka laga daarayo.

Haddii aan sheekada idiin sii wadno, shimbirihii hore ee jaceylka Aishwarya Rai Bachchan iyo Salman Khan aflaanta ay kala hogaaminayaan ee Fanney Khan iyo Race 3 ayaa la qorsheeyey inay Ciidda tartamaan.

Laakiin dagaalka ugu culus wuxuu Box Office ku dhexmari doonaa filimka uu Shah Rukh Khan cillinka ku jillaayo ee aan weli magaca loo bixin kaasoo uu leeyahay Director Aanand L Rai, Ranveer Singh filimkiisa uu leeyahay Director Rohit Shetty, Sushant Singh Rajput iyo gabadha ku cusub Bollywood ee Sara Ali Khan filimkooda Kedarnath kuwaasoo dhammaantood la daawan doono 21ka bisha December ee dabayaaqada sannadkaan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here