Filimada Jimcadaan Isku Dhici Doonaan Shivaay vs Ae Dil Hai Mushkil Iyo Mid Walbo Tikit-ka Hormariska Ah Loo Iibsaday

Waxaa jimcadaan si rasmi ah tiyaatarada loo wada saari doonaa labada filim ee aan kala dhicin sida weyna loo hadal haayo Shivaay iyo Ae Dil Hai Mushkil.

Filimka Shivaay waxaa hogaamiye ka ah Ajay Devgn sidoo kalena isaga ayaa Director iyo soo saare ka ah waana filim Action ah oo lacago qaali ah lagu sameyay.

Filimka Ae Dil Hai Mushkil Director Karan Johar ayaa iska leh waxaana hogaamiyaal ka ah Ranbir Kapoor, Aishwarya Rai Bachchan iyo Anushka Sharma waana filim jaceyl ah.

Hadaba waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay warbixin ku aadan labadaan filim mid walbo tikityada hormariska ah inta aan jimcada la gaaaran oo lasii iibsaday (Advance Booking Report).

Ilaa haatan filimka Ae Dil Hai Mushkil ayaa ka saameyn badan filimka Shivaay marka ay noqoto tikit-ka dadweynaha sida hormariska ah u iibsadeen sidaa darteed ADHM ayay u badan tahay inuu maalinta kowaad ka bilaaw wanaagsanaan doono filimka Shivaaay.

Filimka Ae Dil Hai Mushkil Iyo Tikit-yada Hormariska Ah Loo Iibsaday:

Filimka Ae Dil Hai Mushkil si fiican ayaa tikitkiisa loo iibsanaayay maal mihii aan kasoo gudubnay, wuxuuna filimkaan ka dhaq dhaqaaq badiyay filimka Shivaay maal mihii aan kasoo gudubnay.

Ae Dil Hai Mushkil siweyn waxaa tikit-kiisa looga iibsaday Waqooyiga Hindiya gaar ahaan Delhi sidoo kalena gobolka West Bengal si aan caadi ahayn ayaa loo iibsaday tikit-kiisa.

Sidoo kale gobolka weyn Maharashtra dadka ku nool siweyn ayay u gateen filimka ADHM inkastoo horey loogu goodiyay in reer Maharashtra filimkaan daawashadiisa laga mamnuuci doono laakiin arinkaas xal loo helay.

Guud ahaan tiyaatarada daqliga badan laga helo Multiplex tikit-yadooda si wacan ayay dadka u iibsadeen waxaana la filaa in subaxda Jimcada loo soo daawasho filimkaan.

Guud ahaan filimka Ae Dil Hai Mushkil ilaa haatan waxaa si hormaris ah loo iibiyay 20% ilaa 25% tikit-yadiisa guud waana bilaw aad u wanaagsan.

Filimka Shivaay Iyo Tikit-yada Hormariska Ah Loo Iibsaday:

Shivaay inta badan tikit-yadiisa hormariska loo iibsaday waxay u badan yihiin tiyaatarada Single Screens loo yaqaan ee dadka dabaqada hoose iyo dhexe usoo daawasho tagaan.

Waqooyiga Hindiya filimkaan tikit-yadiisa hormariska looga iibsaday waa mid dhex dhexaad ah waxaana kaga xoogan ADHM halkaas.

Gobolada bartamaha Hindiya ku yaalo ayuu Shivaay ku xoogan oo ilaa haatan tikit-yo hormaris ah laga iibsaday sida Bihar, Rajasthan iyo bartamaha Hindiya oo dhan.

Guud ahaan filimka Shivaay ilaa haatan waxaa si hormaris ah loo iibiyay 15% tikit-yadiisa guud waana bilaabsasho iska dhex dhexaad ah.

Maxaa Sababay In Filimka Ae Dil Hai Mushkil Uu Kaga Wanaagsanaado Shivaay Tikit-yada Sida Hormariska Loo Iibsanaayo:

Filimka Ae Dil Hai Mushkil waxaa caawiyay heesihiisa oo siweyn u hirgaleen, Director Karan Johar oo shacbiyad balaaran gudaha Hindiya iyo sedexda hogaamiye ee filimkaan Ranbir Kapoor, Aishwara Rai Bachchan iyo Anushka Sharma oo iyagana taageerayaal badan leh lana xiiseenayo in la daawado filimkooda.

Balse sababta ugu weyn waxay tahay filimka Ae Dil Hai Mushkil muran xoogan ayuu dhexda ka galay tan iyo markii Hindiya askartoodii lagu dilay qaraxyo ka dhaceen magaalada Uri ee Kashmir ku taalo.

Waxaana lasoo jeediyay in filimka Ae Dil Hai Mushkil la daawanin madaama Fawad Khan oo Pakistani ah ku jiro sidaa darteed murankii uu filimkaan dhexda ka galay iyo is qab qabsigiisa in la daawado iyo inaan la daawaneyn waxay ka caawisay in dad badan ogaadeen dareena u yeeshaan xiliga la daawan doono.

Filimka Shivaay Ajay Devgn kaligiis ayuu ku yahay waana filim Action ah sidaa darteed xidigaan taageerayaashiisa waxaa ka saameyn bateen dadka xiiseenayaan filimka Ae Dil Hai Mushkil.

Balse Shivaay waa filim Action ah sidaa darteed hadii sheekadiisa wanaagsanaato waa qasab inuu Boxoffice-ka kaga saameyn badin doono filimka Ae Dil Hai Mushkil.

Laakiin sida haatan wax u socdaan oo ah tikityada hormariska loo iibsaday waxaa Boxoffice-ka si wanaagsan ku bilaaban doono filimka Ae Dil Hai Mushkil.

You may also like...

0 thoughts on “Filimada Jimcadaan Isku Dhici Doonaan Shivaay vs Ae Dil Hai Mushkil Iyo Mid Walbo Tikit-ka Hormariska Ah Loo Iibsaday”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: