Filimka Dishoom Ganacsiga Uu Suuqyada Caalamka Ka Sameeyay Mudo 10-Maalmood Ah

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay filimka Dishoom ganacsiga uu suuqyada caalamka ka sameeyay mudo 10-maalmood ah inkastoo uu haatan gudaha Hindiya saaran yahay 11-maalmood.

Hadaba waxaa la xaqiijiyay in Dishoom mudo 10-maalmood ah uu daafaha caalamka (Overseas) kasoo xareeyay lacago gaarayo $3.44 Million (23 Crores).

Dishoom ganacsi fiican ayuu suuqyada caalamka ka sameeyay mudo 10-maalmood ah balse ganacsiga filimkaan ma ahan mid heerkii ugu sareeyay gaaray ama sidii laga filaayay suuqyada caalamka u gil gilay wuxuuna ganacsiga ugu wacan ka sameeyay Gulf-ka ama Khaleej-ka sababtana waxay teehay in filimkaan Dubai lagu duubay qaybo ka mid ah.

Dishoom mudo 10-maalmood ah isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka (Wordlwide Gross) filimkaan wuxuu soo xareeyay 110.47 Crore.

Dishoom waxaa muuqato inuu filimka Baaghi suuqyada caalamka ka fiicnaan doono waayo Baaghi sanadkaan wuxuu daafaha caalamka ka keenay cimri ahaantiisa $3.15M balse Dishoom mudo 10-maalmood ayuu ku dhaafay lacagaha Baaghi.

Sidoo kalena isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka filimka Baaghi wuxuu keenay sanadkaan 126.96 Crore waana hubaal in Dishoom uu ka talaabsan doono marka uu todobaadkiisa labaad dhameesto.

You may also like...

0 thoughts on “Filimka Dishoom Ganacsiga Uu Suuqyada Caalamka Ka Sameeyay Mudo 10-Maalmood Ah”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: