Filimka Ki & Ka Oo Maalintiisa 8-aad Lacag Wacan Keenay Iyo Suuqyada Caalamka Saameyntiisa

Waan la wada socnaa in filimka Hollywood-ka The Jungle Book uu si aan caadi ahayn ku qabsaday tiyaatarada gudaha Hindiya sidoo kalena maalintiisa kowaad lacag wacan keenay.

Balse filimka Ki & Ka ee Kareena Kapoor Khan iyo Arjun Kapoor hogaamiyaha ka yihiin ayaa weli heesto daawadaal ku filan.

Midaasna waxay ka caawisay in filimkan maalintiisa 8-aad uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 2 Crore sidoo kalena weli tiyaataro ku filan ayaa laga daawanayaa.

Ki & Ka mudo 8-maalmood haatan wuxuu soo xareeyay 39 Crore sidoo kalena waxaa la filaa in maalmaha sabtiga iyo axada uu lacago wacan soo xareeyo midaas oo xaqiijin doonto inuu todobaadkiisa labaad 50 Crore gaaro.

Dhinaca kale shirkada Eros ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay in Ki & Ka uu si lama filaan ah suuqyada caalamka uga gadmay.

Waayo filimkan tiyaataro badan lama saarin daafaha caalamka hadana waxaa u suura gashay inuu todobaadkiisa kowaad keeno $ 2.8 million [18.63 cr].

Sidaa darteed Eros gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka labada dhinacba macaash fiican ayay ka heshay waxayna u tahay guul weyn Kareena Kapoor Khan iyo Arjun Kapoor in filim iska caadi ah oo aan qarash badan la galinin buun buunis weyna loo sameyn inay ka dhigeen mashruuc siweyn u guuleestay.

You may also like...

0 thoughts on “Filimka Ki & Ka Oo Maalintiisa 8-aad Lacag Wacan Keenay Iyo Suuqyada Caalamka Saameyntiisa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: