Filimka Thor – Ragnarok Oo Ganasci Wanagsan Sameenaayo Iyo Ittefaq Oo Gar Guurasho Bilaabay

0

Filimka Hollywood-ka ah Thor – Ragnarok ayaa guda galay todobaadkiisa labaad asigoo ah dooqa kowaad daawadayaasha wuxuuna Jimcadiisa labaad keenay 2 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Filimka Thor – Ragnarok mudo 8-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 42 Crore (Trade Figure) wuxuuna u halgamayaa inuu dhaafo lacagaha filimka Spiderman – The Homecoming gudaha Hindiya sanadkaan kasoo xareeyay oo ahayd 57 Crore (Trade Figure).




Dhinaca kale filimka Hindiga ah Ittefaq ayaa gaabis weyn sameeyay Jimcadiisa labaad wuxuuna keenay 75 Lakh (Trade Figure) waana filim haatan gar guurasho bilaabay.

Ittefaq mudo 8-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 22.25 Crore (Trade Figure) waxaana la rajeynaa in maal maha sabtiga iyo axada inuu ganacsi fiican sameeyo madaama aflaanta tiyaatarada ku cusub ganacsigooda aad u liito.

Ittefaq waxaa usoo baxday fursad uu 30 Crore cimri ahaantiisa ku gaari karo madaama filimada masraxa ku cusub loolan weyn uusan kala kulmin waxaana hada la wada dhowri doonaa sida gar guurashada ku dheehan ee uu darajada 30 Crore ku gaari karo filimkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here