Filimka Tiger Zinda Hai Mudo 25 Maalmood Ah Ganacsiga Uu Gudaha Hindiya Ka Sameeyay

0

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai ayaa ganacsi wacan iska wato xitaa hadii maal maha shaqada lagu jiro ama filimo cusub tiyaatarada saaran yihiin.

Tiger Zinda Hai ayaa Isniintiisa afaraad keenay 1.25 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in todobaadkiisa afaraad uu filimkaan keeni doono 11 Crore.




Tiger Zinda Hai mudo 25-maalmood ah wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 326.79 Crore (Trade Figure) marka uu todobaadkiisa afaraad dhameesto wuxuu ganacsigiisa gaari doonaa 330 Crore.

Sidoo kalena qiyaasta wanaagsan waxay muujineysaa in Tiger Zinda Hai cimri ahaantiisa ku istaagi doono 335 Crore taasi xaqiijin doonto inuu noqdo Salman Khan filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo canshuurta ka hor iyo kadib.

Tiger Zinda Hai marka uu ganacsigiisa 335 Crore nadiif ah ama canshuurta kadib ku istaagi waxay ka dhignaan doontaa in ganacsigiisa guud canshuurta ka hor uu noqon doono 425 Crore taasi oo xaqiijin doonto inuu dhaafo Bajrangi Bhaijaan oo keenay 422 Crore canshuurta ka hor sidoo kalena ahaa Salman Khan filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay canshuurta ka hor.

Fadlan hoos kaga bogo TZH ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay mudo 25-maalmood sida BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 206.05 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 85.41 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 27.34 Crore (Rasmi)

Jimco afaraad – 1.50 Crore (Qiyaas)

Sabti afaraad – 2.15 Crore (Qiyaas)

Axad afaraad – 3.10 Crore (Qiyaas)

Isniinta afaraad – 1.25 Crore (Qiyaas)

Todobaadka afaraad – 8 Crore (Mudo 4-maalmood) (Qiyaas)

Wadarta Guud – 326.79 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here