Gary Neville Oo Cudur Daar U Sameeyay Man United Iyo Jose Mourinho Kana Dhawaajiyay Caqabadda Hor Taagan

Falanqeeyaha sare ee Sky Sports Gary Neville ahna halyeey soo maray Manchester United ayaa cudur daar u sameeyay Jose Mourinho kadib markii ay kooxdiisa barbaro kula gashay Old Trafford kooxda West Ham isagoo aaminsan iney tahay in lagu eedeeyo tartanka UEFA Europa League.

Manchester United ayaa haatan fadhisa kaalinta 6-aad iyadoo 11-dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Chelsea, halka ay 8-dhibcood ka hooseyaan Arsenal oo fadhisa booska 4-aad.

Tani waa bilowgii ugu xumaa ee ay sameyso Manchester United tan iyo 1989 marka la eego 13-ka kulan ee ugu horeeya dhibcaha laga helay, balse Neville ayaa aaminsan in hoos u dhacaan lagu eedeyn karo tartanka UEFA Europa League inkastoo Southampton oo ay isku waqti ciyaareen ay guul ka heshay Everton.

“EL [Europa League] waa dilaa! mar walba wuu ahaa wuuna ahaan doonaa… Twitter fadlan i bar kooxda sida fiican ku socota horyaalka ee ka qeyb ah tartakaas” ayuu xidigii u ciyaari jiray Man United Gary Neville kusoo qoray twitter-ka isagoo muujinaya sida uu tartanka u cuuryaaminayo dhamaan kooxaha ka qeyb galay.

“Waan hubaa iney jiraan kooxo badan balse u muuqda iney la kulmaan caqabadaha ugu badan”

Dhanka kale Jose Mourinho ayaa mar kale dhibane u noqday garsoorka Ingiriiska, madama garsoore Jon Moss uu u diray inuu tarabuunka fuulo.

You may also like...

0 thoughts on “Gary Neville Oo Cudur Daar U Sameeyay Man United Iyo Jose Mourinho Kana Dhawaajiyay Caqabadda Hor Taagan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: