Gerard Pique Oo Sharaxay Sababta Uusan U Aaminsaneen In Barcelona Ay Difaacan Karto Horyaalka La Liga

Daafaca waaya aragga ah ee kooxda Barcelona Gerrard Pique ayaan rajo ka qabin iney kooxdiisa difaacato horyaalka La Liga hadii ay soo bandhigaan mar kale qaab ciyaareedkii ciyaartii ay barbaraha la galeen xalayto kooxda Real Sociedad.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Sociedad iyadoo ku guuldareysatay iney soo idleyso habaarkii ka heystay garoonka Anoeta oo aysan kusoo badin 9-sano, waxeyna haatan lix dhibcood ka hooseyaan Real Madrid xilli uu kulanka xiga yahay El-Clasico.

Lionel Messi ayaa barbaro u keenay Barcelona kaas oo kansalay gool uu ku daah furay ciyaarta Willian Jose, balse Barca nasiib ayey ku laheed in garsoorka ciyaarta uu kansalo gool uu dhaliyay Jaunmi inkastoo markii h–e ay laba jeer birta ku dhacday kubad uu soo tuuray Carlos Vela.

Pique ayaa su’aal galiyay tayada ay leedahay kooxdiisa, “Waxaan luminay qaab ciyaareedkeena iyo dabeecadeena” Ayuu yiri Pique.

“Qeybtii h–e ciyaarta waxaan aheyn kuwa la waayay, aad bey u adkaaneysaa inaan difaacano La Liga inagoo sidaan ah” ayuu yiri mar kale Gerard Pique.

“Waxey noo riix riixeen si wanaagsan sidoo kalana waxey naga hor joogsadeen inaan ciyaarno ciyaarteenii, wey adkaaneysaa inaad tiraahdo waxey aheyd Barca, balse barbarahii aan galnay aad uma xuma”

Dhanka kale Gerard Pique oo ay jugi kasoo gaartay canqawga ayaa ka hadlay xaaladiisa isagoo dajiyay niyadda Jamaahiirta Barca ee ka walwalsan xaaladiisa.

“Waan fiicanahay, canqawgeyga wuxuu dhaawacmay qeybta h–e, balse waxaan rajeynayaa inaan xaadir ahaado sabtida”

You may also like...

0 thoughts on “Gerard Pique Oo Sharaxay Sababta Uusan U Aaminsaneen In Barcelona Ay Difaacan Karto Horyaalka La Liga”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: