Henderson Iyo Payet Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Fiican Isbuucaan Horyaalka Ingiriiska, Yaa Kale Oo Kasoo Muuqday?

Shabakadda caalamiga ah ee SomFilms.net ayaa soo saartay kooxdii ugu wanaagsaneed horyaalka Ingiriiska isbuucii 13-aad, madama kulamo xasaasi ah la ciyaaray sabtidii iyo Axaddii.

Liiskaan waxaa hogaaminaya Alexis Sanchez Iyo Sergio Aguero kuwaas oo min laba gool ku saaciday kooxahooda kulamadii ay la yeesheen Bournemouth Iyo Burnley markaas oo ay Gunners iyo Citizens heleen min sadex dhibcood, balse shaxda waxaa horkacaya oo goolka kasoo muuqday goolhayaha West Ham Darren Randolph kaas oo badbaadiyay 7-kubadood oo gool u muuqday waana goolhayaha ugu badbaadinta badan isbuucaan dhamaan goolhayeyaasha kale ee horyaalka.

Ryan Bertrand ayaa sido kale kasoo muuqday kaas oo taabtay 74-jeer kubadda kulankii ay la yeesheen Everton todobaadkaan, Antonio Valencia ayaa sidoo kale kasoo muuqday daafaca midig ee shaxda ku saleysan 4-3-3.

Antonio Valencia ayaa sameeyay 9-kubadood oo karoos ah kuwaas oo halis ku ahaa West Ham, waana ciyaariyahanka ugu badan ee sidaas sameeya isbuucaan.

Mihael Dawson Iyo Dejan Lovren ayaa dhameystiray daafaca kuwaas oo kulamadoodii todobaadkaan waxqabad muuqda soo bandhigay.

Dimitri Payet ayaa dhexda lamaan kula noqday Jordan Henderson Iyo Fer oo ka tirsan Swansea City kaas oo ka mid ahaa ciyaartoydii gaaray guushii layaabka laheed ee isbuucaan ay ka gaareen Crystal Palace.

Dhanka weerarkana waxaa Sanchez Iyo Aguero kula mideysan ciyaariyahankii h–e Juventus Fernando Llorente kaas oo guul siiyay Swansea City.

You may also like...

0 thoughts on “Henderson Iyo Payet Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Fiican Isbuucaan Horyaalka Ingiriiska, Yaa Kale Oo Kasoo Muuqday?”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: