HORUDHAC: Hull City vs Chelsea- Tigers Waligeed Kama Badin Bules

Kabtanka Chelsea John Terry ayaa seegi doona kulanka maanta Premier League kooxdiisa ku wajaheyso Hull isagoo maqnaan kara ilaa iyo ciyaaraha heerka caalami.

Daafacaan ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay kooxdiisa sabab la xiriirta dhaawac canqowga ah oo soo gaaray kulankii Swansea iyadoo tababare Antonio Conte uu xaqiijiyay in ciyaartaan uu ka maqan yahay 35-sano jirkaan.

Chelsea aya ku dhibtootay bishaaanSeptember kulamada horyaalka, waxaana ay barbaro kaliya ka heshay kulankii Swansea iyadoo laga badiyay kulamadii Liverpool iyo Arsenal.

Mike Phelan oo dhawaan uun loo magcaabay macalinka rasmiga ah ee Hull City ayaa mustaqbalkiisa la isweydiinayaa kadib markii guuldarooyin xiriir ah uu la kulmay.

WARBIXIN KOOBAN

Hull City vs Chelsea

English Premier League.

Saacada: 5:00 PM

Garoonka: KC Stadium.

MAXAAA CUSUB?

Ahmed Elmohamady ayaa ganaax hal kulan ah ku maqan ka dib markii uu casaan ku qaatay kubadd uu gacanta ku qabsaday todobaadkii hore kulaankii guuldarada 5-1 ah ay kala kulmeen kooxda Liverpool, halka David Meyler oo maqan booskiisa uu ka ciyaari doono James Weir.

Weeraryahanada Will Keane, Dieumerci Mbokani iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Markus Henriksen ayaa dhamaan sugaya in ay kusoo bilaawdaan kulankaan.

Daafaca Kurt Zouma oo dhaawac jilibka ah qaba ayaa muddada-dheer garoomada ka maqan, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee John Obi Mikel dhibaato yar oo muruqa ah uu qabo sida uu sheegay macalin Conte.

XAQIIQADA

Hull weligeed kama aysan adkaan kooxda Chelsea Premier League, iyadoo laga badiyay lix halka laba kale barbaro ay galeeen.

Diego Costa iyo Eden Hazard ayaa dhaliyay laba kulan oo isku xogta Premier League goolaal marka ay wajahayeen kooxda Hull xilli 2014/15.

shan ka mid ah toddobada gool ee ugu dambeeyay Premier League Chelsea ay ka dhalisaa Tigers waxaa dhaliyay ama caawiyay Costa iyo Hazard.

Casaankii kulankii Li verpool loo tagay Elmohamady ayaa ka dhigan inuu ka maqnna doono markii ugu horeysay kooxda Hull Horyaalka (38 kulan kadib.)

Hull ayaa laga dhaliyay 40 shouut bartilmaameed ah oo lagu tuuray xilli ciyaareedkan, waana in ka badan kooxaha kale ee Premier League.

Haddii Chelsea laga badiyo kulankaan wuxuu qasaarayaa Antonio Conte in kabadan kulamadii la garaacay macalin Guus Hiddink xilli ciyaareedkii hore.

You may also like...

0 thoughts on “HORUDHAC: Hull City vs Chelsea- Tigers Waligeed Kama Badin Bules”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: