Hrithik Roshan Wuxuu Qalbiga Shaqsi Kasta Ku Degay Muuqaalkiisa Cover-ka Stardust Ee Bisha January

Hrithik Roshan wuxuu kasoo muuqday cover-ka majaladda Stardust Magazine ee bisha January iyadoo xiddigaani uu muuqaalka sawirkaas ku xaday quluubta shaqsi kasta.

Hrithik Roshan wuxuu u dabaal degayaa sannad guuradii 43aad ee dhalashadiisa, majaladda Stardust Magazine ayaana kala qeyb qaadatay isla markaana hubisay inuu ku riyaaqo maalmihiisa u gaarka ah.

Lebis ahaan wuxuu xiran yahay jaakad buluug ah oo jeenis ah. Kuna darso dhanka shaqada, Hrithik waxaa dhawaan tiyaatarrada loo saari doonaa filimkiisa sida weyn loo sugayo ee Kaabil.

Filimkaan waxaa la hogaamineysa atariishada Yami Gautam, waxaana la daawan doonaa 25ka bishaan Janaayo 2017ka, halka uu agaasimaha filimkaani yahay Sanjay Gupta.

You may also like...

0 thoughts on “Hrithik Roshan Wuxuu Qalbiga Shaqsi Kasta Ku Degay Muuqaalkiisa Cover-ka Stardust Ee Bisha January”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: