Jerome Boateng Oo U Jawaabay Madaxweynaha Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge Kaas Oo Dhaleeceeyay Qaabkiisa

Jerome Boateng ayaa jawaab kulul siiyay madaxweynaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge kaas oo dhaleeceeyay qaab ciyaareedka daafacaan Jarmalka ah, balse Boateng ayaa ka dhawaajiyay inuu casuumi doono si uu hortiisa uga yiraahdo wax walba.

Boateng ayaa u jawaabay Rummenigge kaas oo su’aal ka keenay qaab ciyaareedka 28-jirkaan kadib guuldaradii lama filaanka aheyd oo ay Bayern kala kulantay Rostov kulan ka tirsan Champions League.

Inkastoo uu dhaawac kaga baxay kulankaas, Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku booriyay Boateng inuu dib usoo rogaal celiyo isla markaana uu diiradda saaro kubadda cagta.

Si kastaba Boateng oo seegay kulankii ay Bayern 2-1 ku dubatay Leverkusen todobaadkaan ayaa qosol ugu jawaabay 61-jirka ugu sareeya Bayern Munich.

“Kaliya waan ku qosli karaa warbixinadaas” Ayuu yiri Jerome Boateng.

“”Waqtiga xiga wuxuu awoodaa inuu si qaas ah horteyda uga dhaho, kadibna wey si wanaagsan”

Ugu dambeyntiina Jerome Boateng ayaa ciyaaray 7-kulan kulamada Bundesliga xagaagan isagoo 5 kulan kusoo bilowday xilli Bayern ay kaalinta labaad ka fadhiso horyaalka madama ay sadex dhibcood ka hooseyso kooxda sida layaabka leh u hogaamineysa horyaalka ee RB Leipzig.

You may also like...

0 thoughts on “Jerome Boateng Oo U Jawaabay Madaxweynaha Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge Kaas Oo Dhaleeceeyay Qaabkiisa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: