Kaarto Cusub Oo Laga Soo Bandhigay Filmka Kareena Kusoo Laabaneyso Veere Di Wedding Laguna Xardhay Xiliga La Daawanayo

1

Atirishada Bollywood-ka ka tirsan Kareena Kapoor Khan wey soo laabatay waxayna haatan ku mashquulsan tahay duubista filimkeeda Veere Di Wedding.

Dhawaan waxaan idinla wadaagnay in filimka Veere Di Wedding dib looga dhigay xiligii la daawan lahaa oo ahayd 19 May 2018 waxaana filimkan si rasmi ah loogu dhawaaqay in 1 June 2018 la daawan doono.

Sidaa darteed kaarto cusub ayaa filimkaan laga soo bandhigay laguna xardhay in 1 June 2018 la daawan doono waxaana filimkaan Kareena ku wehliyaan Sonam Kapoor, Swara Bhaskar iyo Shikha Talsania.




Veere Di Wedding fariintiisa oo kooban mar ay Kareena ka hadleesay waxay tiri “Veere Di Wedding waa filim si toos ah kaga hadlaayo nolosha afar gabdhood oo saaxiibo ah kuna kulmayaan xaflada arooskeyga, kadibna xaqiiqooyin, kaftan iyo isbadalka nolosha u baahan tahay ayay goobta ku wadaagi doonaan”

Veere Di Wedding waxaa Director ka ah Shashank Ghosh halka Ekta Kapoor iyo Rhea Kapoor ay soo saarayaal ka yihiin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here