Kabtankii Brazil U Qaaday Koobka Adduunka Sannadii 1970 Carlos Alberto Oo Geeriyooday.

Halyeeygii Brazil Carlos Alberto ahaana kabtankii xulka Brazil u qaaday Koobka Adduunka sannadii 1970 ayaa geeriyooday isagoo 72 sanno jir ah.

Waxa uu dhaliyay mid ka mid ah goolashii ugu fiicnaa taariikhda Koobka Adduunka finalkii 1970kii ee ay la ciyaareen xulka Talyaaniga.

Alberto oo daafac midig ka ciyaari jiray ayaa 53 kulan u saftay xulka Brazil waxaana uu horyaalo maxali ah la qaaday Fluminense iyo Santos oo uu u saftay in ka badan 400 kulan.

Waxa uu ku geeriyooday Rio de Janeiro ka dib wadno xanuun ku soo booday.

Xulkii Brazil ee 1970kii ku guuleystay Koobka Adduunka waxaa sidoo kale ku jiray xiddigo waa weyn sida Pele, Jairzinho, Tostao iyo Rivelino, waxaana dad badan ay u arkaan xulkii ugu fiicnaa taariikhda.

Alberto ayaa sidoo kale ka mid ahaa kooxdii ugu fiicneyd qarnigii 20aad ee la magacaabay 1998 iyo 100ka xiddig ee ugu waa weyn ee FIFA oo la magacaabay 2004.

Ka dib markii uu waayihiisa ciyaareed ku dhameystay kooxda Mareykanka ee New York Cosmos, waxa uu tababare u noqday 13 kooxood iyo xulalka Oman iyo Azerbaijan.

Waxa uu koobka horyaalka Brazil la qaaday Flamengo 1983, isagoo waayihiisa tababarenimo ku soo gabagabeeyay Azerbaijan sannadii 2005.

You may also like...

0 thoughts on “Kabtankii Brazil U Qaaday Koobka Adduunka Sannadii 1970 Carlos Alberto Oo Geeriyooday.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: