Kadib Sadexleydii Uu Ka Dhaliyay Atletico Madrid Cristiano Ronaldo Oo Rikoorka Gooldhalinta Madrid Derby Kala Wareegay Alfredo Di Stefano

Wuxuu sameeyay bilow xun xagaagan madama uusan gaarin heerkii looga bartay hogaamiyaha Portugal Cristiano Ronaldo balse xalay wuxuu muujiyay inuu yahay wali wiilkii la yaqaanay markii uu sadexley ku qaarijiyay Atletico Madrid oo ay kula ciyaareen Vincent Calderon.

Sadexleydii uu xalay dhaliyay gooldhaliyaha ugu sareeya Los Blancos ayaa ka dhigan inuu noqday gooldhaliyaha ugu sareeya kulanka Madrid wuxuuna kala wareegay halyeeygii hore kooxda Alfredo Di Stefano.

Stefan Savic ayaa qalad ku galay Varane taasoo keentay in Real Madrid lagu abaalmariyo laad xor ah, Ronaldo ayaana gool u badalay wuxuuna ahaa goolkiisii 16-aad oo uu ka dhaliyo Atletico, 9 ka mid ahna waxey yimaadeen kulamada La Liga.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay inuu mar kale daba mariyo gool goolhaye Juan Oblak markii rigoore loo dhigay wuxuuna ku barbareeyay Alfredo Di Stefano kaas oo 17-gool horay uga dhaliyay kulanka Madrid Derby.

CR7 ayaa qabsaday hogaanka gooldhalinta Madrid Derby markii uu dhameystiray sadexley qurux badan, iyadoo sidoo kale xidigaan uu noqday xiddiga ugu goolasha badan xagaagan Madrid isagoo kala wareegay Alvaro Morata oo rikoorkaas heystay ka hor kulankii xalay.

You may also like...

0 thoughts on “Kadib Sadexleydii Uu Ka Dhaliyay Atletico Madrid Cristiano Ronaldo Oo Rikoorka Gooldhalinta Madrid Derby Kala Wareegay Alfredo Di Stefano”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: