Kareena Kapoor “Waan Is Dili Lahaa Hadii Hal Wiish Nagu Wada Xayirmo Aniga, Deepika Iyo Katrina”

Atirishada Kareena Kapoor Khan waligeed waxay caan ku ahayd inaysan hadal la gambanin meel walbo oo ay joogto markaana hadal heyn cusub ayay la timid.

Bebo ayaa ka dhawaajisay inay is dili laheyd hadii Deepika Padukone, Katrina Kaif iyo iyada hal wiish (Elevator) ku wada xayirmi lahaayeen!

Sheekada sida aad u maleysid ma ahan Kareena waxay arinkaan ka sheegtay xili ay duubeesay mid ka mid ah xal qooyinka barnaamijka Koffee With Karan Season 5 oo ay kala soo muuqan doonto Sonam Kapoor halka Karan Johar uu xariiriye ka yahay.

Axad dambe ayaa xal qadaan xiisaha badan la daawan doonaa weliba ayadoo uur leh ayaa la duubay Video-gaan laakiin jadwalka xiliga loo dajiyay ayaa la daawan doonaa.

Kareena waxaa kaftan ku riday Karan Johar oo ku yiri “Bal ka waran labadii gabdhood ee walaalkaa (Ranbir) saaxiib la noqday hadii aad hal wiish ku wada xayirmataan”

Bebo waxay ku jawaabtay “Waan is dili lahaa hadii aan aniga, Deepika iyo Katrina hal wiish ku wada xayirmi laheyn!!”

Waayo Kareena waxay ula jeedaa inaysan xamili karin muranka iyo dagaalka dhex mari doono Deepika iyo Katrina oo hada ka hor Ranbir noloshooda soo wada mareyn, ileen labo naag oo hal nin isla soo jeclaadeen hal meel la isugama keeni karo …………………

You may also like...

0 thoughts on “Kareena Kapoor “Waan Is Dili Lahaa Hadii Hal Wiish Nagu Wada Xayirmo Aniga, Deepika Iyo Katrina””

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: