Katrina Kaif Maxay Ka Tiri In Tiger Zinda Hai Uu Noqday Hit Keeda Ugu Weyn Ebid Ay Sameyso

1

Filimka Tiger Zinda Hai weli tiyaatarada wacdaro xoogan ayuu ka dhigayaa waxaana ku faraxsan guusha taariikhiga ah uu gaaray Katrina Kaif oo guul u baahneyd madaama aflaan badan Flop ka noqanayeen sanadihii ugu dambeeyay.

Katrina Kaif oo shaqo adag ka qabatay TZH waxay ka hadashay in filimkaa Blockbuster-ka weyn ah uu noqday Hit-keeda ugu weyn kagana mid noqotay liiska atirishooyinka darajada 300 Crore gaar u tahay.




Katrina waxay tiri “TZH wuxuu ka nasiiyay guushii iyo farxadii aan u qalanay waayo shaqo adag ayaan ka qabanay sameynta filimkaan”

“Aniga farxad ayay ii tahay in TZH uu noqday Hit-keyga ugu weyn sidoo kalena waxaan u mahad celinaa Salman, Director Ali Abas Zafar iyo soo saare Aditya Chopra oo dhamaantooda si qurux badan iila shaqeeyeen”

“Maxaa diidayo inaan wada faraxno in TZH dhamaanteena uu inoo noqday filimkeena lacagaha ugu badan soo xareeyo waxaan rajeynayaa in taxanahan uu sii socon doono marba hadii sidaan waalida ah uu u gadmay”.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here