Leonardo DiCaprio Oo Lagu Dhaliilay Inuu Xaflaad Lagu Casuumay Diyaarad Qaas Ah Ku Tagay

Jilaaga sanadkan Oscar-ka Hollywood-ka ku guuleestay Leonardo DiCaprio ayaa markale dhaliil xoogan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo saxaafada kala kulmay.

DiCaprio ayaa lagu dhaliilay inuu xaflad lagu casuumay ku tagay diyaarad qaas ah oo uu qarash waali ah ku bixiyay safarkiisa kooban.

Leonardo DiCaprio ayaa la sheegay inuu magaalada New York kaga qayb galay xaflad lagu casuumay oo laga hadlaayay ilaalinta degaanka aduunka balse goobta diyaarad qaas oo carsi ah ayuu ku yimid.

Leonardo DiCaprio waxaa lagu dhaliilay inuu lacagaha ku takri falo sidoo kalena uusan ahayn qof ka warqabo dunida dhibaatada dhaqaalo ee haatan ka jirto.

Balse Leonardo DiCaprio ayaa ka jawaab celiyay arinkaan wuxuuna yiri “Safarka iyo xaflada waxay ahayd mid horey loo qorsheeyay ee ma ahan arin aan si ku tala gal ah u sameeyay”

“Sidee la iigu tilmaami karaa qof aan naxariis laheyn anigoo ah qof ku taagan ilaalinta deegaanka aduunka”

Waxaa la xaqiijiyay in Leonardo DiCaprio uu xaflada lagu casuumay deeq lacageed oo malaayiin ah ku bixiyay ilaalinta deegaanka aduunka sidoo kalena uu sameeyay hindiso lacago looga qaadayo dadka caanka ah si deegaanka aduunka loo xafido loona yareeyo dhibaatada lagu haayo degaanla.

Weliba Leonardo DiCaprio waxaa la sheegay in gurigiisa uu naado galiyay sidoo kalena lacagaha lagu iibsan doono gurigiisa qaaliga ah uu ku bixin doono ilaalinta deegaanka aduunka.

You may also like...

0 thoughts on “Leonardo DiCaprio Oo Lagu Dhaliilay Inuu Xaflaad Lagu Casuumay Diyaarad Qaas Ah Ku Tagay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: