Advert

Follow Us

Song of the day

Ma Ogtahay In Reer Nigeria Ay Magac Gaar Ah Ula Baxeen Sanjay Dutt Iyo Xaqiiqooyin Kale

Kulanti wanaagsan asxaabteena nagu qaaliga ah kuna soo dhawaada barnaamijkeena Ma Ogtahay ee aan maal maha (Isniinta iyo Khamiista) idinla wadaagno.

Hadaba barnaamijkeena Ma Ogtahay maanta wuxuu qaas u yahay Super Star Sanjay Dutt (The Original Khalnayak of Bollywood) oo maanta xabsiga kasoo baxay sidoo kalena xurnimadiisa dib u helay.

Fadlan hoos kaga bogo Sanju Baba iyo macluumaadka aan kasoo aruurinay adigaaba ka heli doontid:

Ma ogtahay in Sanjay Dutt murug xoogan qabsatay markii filimkiisii kowaad Rocky (1981) tiyaatarada la saari rabay waxaana xiligaas geeriyootay hooyadiis Nargis sedex maalmood ka hor daawashada filimka Rocky!

Ma Ogtahay in Director Subash Ghai filimkii Classic ahaa Hero ee Jackie Shroff magaca ku yeeshay uu la rabay Sanjay Dutt balse xidigan geeridii hooyadiis ayuu niyad jab ka qaaday wuxuuna iska noqday shaqsi waxyaabaha maanka dooriyo saaxiib ka dhigto.

Ma ogtahay in Sanjay Dutt uu guursaday atirishadii 80-kii caanka ahayd Richa Sharma waxayna u dhashay gabar lagu magacaabo Trishala balse xaaskiisii kowaad Cancer maskaxda kaga dhacay ayay u geeriyootay.

Ma ogtahay in 103-maalmood oo xabsigiisa ka mid ah Sanjay Dutt xukunkiisa 5-sano laga qafiifiyay waxaana ugu wacan asluub wanaagii uu xabsiga Yerwada Jail ka muujiyay ee magaalada Pune ku yaalo.

Ma ogtahay in reer Nigeria siweyn u jecel yihiin Sanjay Dutt waxayna xidigan ugu yeeraan (Mooryaankii Weynaa) sidoo kalena Anagana Soomaali ahaan magacyo badan ayaan ula baxnay idinka la idinka rabaa…..

Ma ogtahay in Sanjay Dutt uu iska diiday filimkii Khuda Ghawah ee Amitabh Bachchan iyo Sridevi wada jileen waxaana booska Dutt galay jilaaga caanka ah Nagarjuna.

Ma ogtahay in Sanjay Dutt bishii April sanadii 1993 la xiray sedex todobaad kadib markii filimkii Big Hit noqday Khalnayak tiyaatarada la saaray ayuu xarigiisa kusoo aaday.

Ma ogtahay in Sanjay Dutt uu leeyahay xirfad u qarsoon waayo hada ka hor tartan dalka Mareekanka lagu qabtay ee dhinaca Kitaar garaacista ayuu ku guuleestay waxaana la siiyay bilad dahab ah!

Ma ogtahay in Sanjay Dutt uu malaayiin taageero ah ku kabsaday filimada Classic ah ee uu sameeyay qarnigan “Munna Bhai, MBBS” iyo “Lage Raho Munna Bhai” weliba abaal marinta National Awards ayuu ku qaatay qaybta kowaad ee taxanaha Munna Bhai.

Ma ogtahay in Sanjay Dutt uu hal mar ku guuleestay abaal marinta Filmfare Awards bixiso qaybta atooraha ugu wanaagsan wuxuuna ku qaatay filimkiisii wacnaa Vaastav sanadii 1999 soo baxay.

Fadlan hoos ka daawo hal heeso Sanjay Dutt Qaas U Ah:

You may also like...

0 thoughts on “Ma Ogtahay In Reer Nigeria Ay Magac Gaar Ah Ula Baxeen Sanjay Dutt Iyo Xaqiiqooyin Kale”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...
error: