Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Iney Heshiis La Gaartay Shirkadda Ciyaar Gacmeedka EA Sport

Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay shirkadda ciyaar gacmeedka EA Sports la gashay qandaraas rasmi ah isla markaana ay noqotay shirkad kale oo magac leh oo kusoo biirtay liiska shirkada ay jaalka yihiin ee adduunka.

Shirkaddaan sameysa ciyaar gacmeedka sida weyn looga ciyaaro adduunka ayaa noqon doonta shirkadda rasmiga ah ee ciyaar gacmeedka Man United seddaxda sanno ee soo aadan.

Tani waxay noqoneysaa tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaado agaasimaha ganacsiga Man United ee Richard Arnold, iyadoo kooxdu ay ka heleyso dhaqaale sarre. Ciyaar gacmeedkaan ayaana taageereyaasha Man United ka caawin doona inay ku helaan qanacsanaan gaar ah, tartano gaar ah, sawirro cajiib ah oo ciyaartoyda kooxda ah, si la mid ah sawirrada bogga hore ee ciyaar gacmeedka FIFA 17.

Taageereyaasha Man United ayaa sidoo kale awoodi doona inay ciyaar gacmeedkaan ku maamulaan saxiixooda cusub ee rikoorka ah Paul Pogba kaasoo kooxda dib ugu soo laabtay ka dib afar sanno oo uu kusoo qarash gareeyey Juventus.

You may also like...

0 thoughts on “Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Iney Heshiis La Gaartay Shirkadda Ciyaar Gacmeedka EA Sport”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: