Mega Star Salman Khan Iyo Kooxdiisa Filimka Race 3 Oo Si Heer Sare Ah “Dhalasho Wacan” U Dhaheen Soo Saare Ramesh Taurani

0

Filim soo saaraha caanka ah madaxna u ah shirkada Tips Ramesh Taurani ayaa maanta dhalashadiisa tahay waxaana siweyn kaga farxiyeen kooxda filimkiisa Race 3.

Mega Star Salman Khan ayaa soo agaasimay xaflad lama filaan ku noqotay soo saare Ramesh Taurani kadib markii Salman uu isku keenay kooxda Race 3 oo idil acqueline Fernandez, Daisy Shah, Saqib Saleem, Anil Kapoor, Bobby Deol iyo Director Remo D’Souza kadibna waxay shumis hambalyo dhalasho ah u wada hibeeyeen Ramesh Taurani oo kursi lagu fariisiyay kooxdana hareerihiisa taagan yihiin sida sawirka sare ka muuqato.




Ramesh Taurani ayaa kaga mahad celiyay Salman Khan sida uu farxada kadiska ah u siiyay subaxaan iyadoo duubista filimka Race 3 lagu guda jiro.

Salman iyo shirkada Tips xiriir dhow ayaa ka dhaxeeyo asigoo hada ka hor u sameeyay filimkii Jab Pyar Kisise Hota Hai oo ay la jileen Twinkle Khanna iyo Namrata Shirodkar, sidoo kale Salman wuxuu muuqaal marti ah ku yeeshay filimkii Ajab Prem Ki Gazab Kahaani oo ay Tips iska laheyd Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif ayaa hogaamiye ka ahaayeen.

Race 3 duubistiisa shalay ayaa dib loo amba qaaday ayadoo laga bilaabay duubista heesta magaca filimkaan xambaarsan Allah Duhai Hai waxayna duubistiisa soconeysaa mudo afar ilaa 5-maalmood ah kadibna kooxdan Bangkok, Abu Dhabi iyo Dubai ayay kusoo duubi doonaan bisha Maarsana Mumbai ayaa lagu soo gaba gabeyn doonaa Race 3 oo la daawan doono Eid 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here