Mouni Roy Oo Filmka Brahmastra Door Xumaan Ah Ku Matali Doonto Ranbir Iyo Alia Ayay Ka Yaabsan Doontaa

0

Gabadhada musal salada horey usoo qabtay caana ka noqotay Tv-yada Mouni Roy markaan Bollywood-ka ayay usoo dalacday ayadoo filimkeeda Gold lasoo wado Superstar Akshay Kumar lana daawan doono 15 Aug 2018.

Mouni Roy nasiibkeeda Gold kaliya kuma tijaabin doonto waxay horey u saxiixatay mashruuca weyn ee lacagaha qaaliga ah lagu sameenayo Brahmastra sidoo kalena ay hogaamiyaal ka yiniin Ranbir Kapoor, Alia Bhatt iyo Amitabh Bachchan.

Mouni Roy filimka Brahmastra inay sameyso waxaa ku qal qaaliyay Karan Johar oo mashruucaan soo saare ka ah waxaana haatan la xaqiijiyay inay filimkaan door xumaan ama laadar ah ku jileyso naftana u keeni doonto Ranbir iyo Alia.




Brahmastra oo ah filim Super Hero oo taxane ahaan sanad walbo loo sameyn doono qaybtiisa kowaad waxaa la daawan doonaa 15 Aug 2019 waxayna Mouni Roy ku mataleysaa door dhib badan oo aysan horey u sameynin.

Brahmastra waxaa Director ka ah Ayan Mukerji waana mashruuc si caalami ah loo sameenayo sido kalena Bollywood-ka rabaan inay Hollywood-ka kula tartamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here