Muxuu Sanjay Dutt Ka Qabanaayay Goobta Filimka Padmavati Lagu Duubayo

Super Star-ka caanka ah Sanjay Dutt ayaa si lama filaan ah ku booqday goobta filimka Padmavati lagu duubayo waxaana filimkaan wada jilayaan Deepika Padukone, Ranveer Singh iyo Shahid Kapoor.

Waxaa macquul ah in Sanjay Dutt uu muuqaal marti ah ku yeesho filimka Padmavati ee uu Sanjay Leele Bhansali iska leeyahay.

Inkastoo arinkaan si rasmi ah loo shaacinin hadana Dutt wuxuu la kulmay Bhansali oo ka dal baday inuu muuqaal marti ah ku yeesho filimkiisa Padmavati, sidoo kalena Sanjay isagana wuxuu dalbaday in doorkiisa laga dhigo mid saameyn leh oo waqti ahaana dheer si ay taageerayaashiisa uga helaan.

Waxaa la sheegay in Sanjay Dutt iyo Sanjay Leela Bhansali ay wada qaateen kulan 2-saac socday xitaa macquul ah inay ka wada hadleen sidii filimka Classic ah Khalnayak qayb labaad looga sameyn lahaa.

Bhansali labo sano ka hor ayuu xuquuqda dib u sameynta filimka Khalnayak qaybtiisa labaad ka gatay Director Subash Ghai sidaa waxay u badan tahay in mashruucaan dhawaan la sameyn doono marba hadii Sanjay Dutt xabsiga uu kasoo baxay haatana xur uu yahay.

You may also like...

0 thoughts on “Muxuu Sanjay Dutt Ka Qabanaayay Goobta Filimka Padmavati Lagu Duubayo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: