Paris Saint Germain Oo Guul Ka Gaartay Lyon Xilli Ay Markii Afaraad Hanatay Trophée des Champions

Paris Saint Germain ayaa markii afaraad oo xiriir ah ku guuleysatay koobka Trophée des Champions kadib markii ay guul raaxo ah ka gaareen dhigooda Olympique Lyonnais.

Unai Emery ayaa leyliyay PSG kulankiisii ugu horeeyay tartan caalami ah wuxuuna ku furtay guul markii ay wiilashiisa 4-1 ku dubteen Lyon, Angel Di Maria ayaana si fiican u shaqeeyay iyadoo Lyon ay aheyd kooxda mar walba gacan sareysay balse Paris ayaa la timid kubado weeraro rogaal celis ah iyo kuwo gaadmo ah.

Javier Pastore ayaa bilaabay bandhigga goolasha Paris Saint Germain kaas oo caawinaad madax ah ka helay Angel Di Maria, balse kubadaas waxaa meel dheer kasoo abuuray Layvin Kurzawa.

Angel Di Maria ayaa isku dayay inuu qiyaasmeeyo goolhayaha Lyon markii uu meel dheer kasoo togtay goolka balse goolhaye Anthony Lopes ayaa si cajiib leh uga badbaadiyay daqiiqadii 13-aad.

Lucas Moura ayaa goolkii labaad helay daqiiqadii 19-aad markii uu caawinaad ka helay Javier Pastore, si fiican ayuuna u dhameystiray da’yarka reer Brazil.

Hatem Ben Arfa ayaa sadexeeyay daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta, iyadoo Kurzawa uu qeybtii labaad ee ciyaarta goolka afaraad ka dhaliyay.

Goolka agoonka ah ee ay la yimaadeen ciyaartoyda Lyon waxaa u dhaliyay Corentin Tolisso kaas oo yimid daqiiqadii 87-aad.

XIDDIGA GAROONKA:

Waxaa loo magacaabay Layvin Kurzawa oo ka tirsan kooxda Paris Saint Germain.

You may also like...

0 thoughts on “Paris Saint Germain Oo Guul Ka Gaartay Lyon Xilli Ay Markii Afaraad Hanatay Trophée des Champions”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: