Pual Pogba Oo Netherlands Dhulka Jiiday, Christian Benteke Oo Goolkii Ugu Deg Dega Badnaa Taariikhda Koobka Aduunka Dhaliyay, Portugal Oo Markale Xasuuq Gaystay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee La Ciyaaray

Xulka qaranka France ayaa guul muhiim ah kala soo laabtay Amsterdam kadib markii ay 1:0 ku soo garaaceen dhigooda Netherlands. Gool qurux badan oo uu Paul Pogba ka dhaliyay meel aad uga fogayd goolka Holland ayuu France ku soo gaadhay guul aad muhiim ugu ah isreeb reebka koobka aduunka wuxuuna France hogaanka u qabtay Group A.

Xulalka qaramada Netherlands iyo France ayaa kulan aad u xiiso badnaa oo ka tirsanaa isreeb reebka koobka aduunka iskaga hor yimid amsterdam iyada oo labada xul qaran ay  min afar dhibcood ku hogaaminayeen Group A wuxuuna ahaa kulan si wayn loo sugayay isla markaana natiijadiisa ingaar ah lagu fiirinayay.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

NETHERLANDS (4-3-3): Stekelenburg; Karsdorp, Bruma, Van Dijk, Blind; Wijnaldum, Strootman, Propper; Promes, Klaassen, Janssen.

KAYDKA:  Vilhena, Toornstra, Depay, Veltman, Kongolo, Zoet, Clasie, Vorm, S. de Jong, Willems, de Vrij, Dost.

FRANCE (4-2-3-1): Lloris; Sidibe, Varane, Koscielny, Kurzawa; Pogba, Matuidi; Sissoko, Griezmann, Payet; Gameiro.

KAYDKA: : Kante, Coman, Fekir, Martial, Laporte, Digne, Mandanda, Areola, Gignac, Cabaye, Kimpembe, Corchia.

3949d35900000578-3831333-image-a-27_1476127984535

Kulankan ayaa ahaa kulan aad u adag oo ay labada xul qaranba ku soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican oo ay doonayeen in ay guul ku gaadhi karaan. Netherlands iyo France ayaa kulankii ugu horeeyay iskaga horyimid muddo 14 sanadood ah wuxuuna kulankani ahaa kulankii 102 aad oo markii ugu horaysay ay Netherlands ciyaaraysay iyada oo ay kooxdeeda ka maqan yihiin Arjen Robben, Wesley Sneijder, Rafael van der Vaart ama Robin van Persie.

3949cba700000578-3831333-image-a-26_1476127977793

DAQIIQADII 30 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Xulka qaranka martida ahaa ee France ayaa jabiyay ismari waagii ciyaarta ee muddada soo taagnaa waxaana gool qurux badan oo si fiican iskugu muujiyay France u dhaliyay xidiga aduunka ugu qaalisan ee Paul Pogba kaas oo kubbad caawin uu ka helay Dimitri Payet ka darbeeyay meel goolka Holland u jirtay 30 yards wuxuuna Pogba ciyaarta ka dhigay 1:0 ay France hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

1476130780248_lc_galleryimage_paul_pogba_of_france_scor

3949db7800000578-3831333-image-a-23_1476127957962

Goolkan ayaa neefta dib ugu celiyay jamaahiirta xulka qaranka Netherlands ee garoonka soo buux dhaafiyay, wuxuuna goolkani aad muhiim ugu ahaa xulka qaranka France oo cadaadis kala kulmay xulka qaranka ay martida u ahaayeen ee Netherlands.

3949be7b00000578-3831333-image-a-24_1476127963785

DAQIIQADII 42 AAD Netherlands ayaa si wayn ugu dooday in ay rekoodhe heleen kadib markii uu Koscielny gacan ku celiyay kubbad Janssen waxaana marka hore qalad sameeyay oo kubbada dib u furay Payet laakiin garsooraha ayaan waxba tilmaamin inkasta oo ay sicaad ah kubbadu ugu dhacday gaacanta Koscielny. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay 1:0 ay France hogaanka ciyaarta ku haysay.

3949e38000000578-3831333-image-a-29_1476128256205

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Netherlands ayaa si wayn u raadinaysay goolka barbaraha laakiin xulka qaranka France ayaa muujiyay adkaysi badan waxayna dhankooda ka raadinayeen goolkii ay ku niyadjabin lahaayeen xulka qaranka ay martida u ahaayeen Netherlands basle qaybtii danbe ayaa noqotay mid laysku mari waayay.

3949b7f500000578-3831333-image-a-25_1476127968307

Xulka qaranka France ayaa awooday in ay ciyaarta ku dhameeyaan natiijadii qaybtii hore ee kulankan lagu kala nastay waxayna soo gaadheen guul muhiim ah iyaga oo kali ku noqday hogaanka Group A halka Netherlands ay guuldaro xanuun badani ku soo gaadhay Amsterdam waxayna ciyaartu ku dhamaatay 1:0 uu France ku soo gaadhay guul aad muhiim u ah.

3949d5c600000578-3831333-image-a-41_1476131821915

NATIIJOOYINKA KULAMADII ISREEB REEBKA KOOBKA ADUUNKA EE CAAWA LA CIYAARAY:

Xulka qaranka Belgium ayaa halkiisa ka sii wata guulihii waa waynaa ee uu gaadhay waxayna 6:0 ku gumaadeen Gibraltar halka sidoo kale xulka qaranka Portugal uu si xun u soo gumaaday jasiirada Faroe Islands iyaga oo ku soo garaacay 0-6 bilaa jawaab ah.

3949d08900000578-0-image-a-1_1476127262616

1476131855583_lc_galleryimage_football_soccer_gibraltar

Chrisitan Benteke ayaa dhaliyay goolkii ugu deg dega badnaa koobka aduunka  wuxuuna goolkii furitaanka xulka qarankiisa Belgium udhaliyay markii ay ciyaartu socotay 6 ilbidhiqsi oo kaliya. Xulka qaranka Belgium ayaa markale muujiyay awoodooda ciyaareed.

3949f89300000578-3831387-image-a-14_1476130165294

Waxyaabaha kale ee xusida mudan waxaa ka mid ah in gool dhaliyaha xulka qaranka Portugal ee Andre Silva uu saddexley dhaliyay qaybtii hore ee kulankii uu xulka qarankiisa Portugal sida xun u xasuuqay Faroe Islands isaga oo kulankan hadheeyay Ronaldo oo xili danbe goolkiisa uu kulankan ka dhaliyay helay.

Halkan hoose kaga bogo dhamaan natiijooyinkii iyo qaabkii loo kala guulaystay.

Andorra 1-2 Switzerland

Belarus 1-1 Luxembourg

Bosnia-Herzegovina 2-0 Cyprus

Estonia 0-2 Greece

Faroe Islands 0-6 Portugal

Gibraltar 0-6 Belgium

Latvia 0-2 Hungary

Holland 0-1 France

Sweden 3-0 Bulgaria…

You may also like...

0 thoughts on “Pual Pogba Oo Netherlands Dhulka Jiiday, Christian Benteke Oo Goolkii Ugu Deg Dega Badnaa Taariikhda Koobka Aduunka Dhaliyay, Portugal Oo Markale Xasuuq Gaystay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee La Ciyaaray”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: