Rasmi: Filimka Dangal Axadiisa 3-aad Lacagaha Uu Keenay Iskoor Kale Ayaa Soo Kordhay

Mr. Perfectionist Aamir Khan filimkiisa Dangal ayaa ganacsi baaxad leh sameeyay Axadiisa sedexaad ee uu gudaha Hindiya saaran yahay.

Dangal qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo wuxuu keenay 13.50 Crore (Trade Figure) axadiisa sedexaad sida shabakada Boxoffice India shaaca ka qaaday ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Dangal maalintiisa 17-aad lacagaha uu keenay wuxuu ka badan yahay dhamaan filimada 2016 soo baxeen maalintooda kowaad lacagaha ay soo xareeyeen marka laga reebo Sultan, M.S. Dhoni – The Untold Story, Fan iyo Housefull 3 maalintooda kowaad lacagaha ay soo xareeyeen!

Dangal sidoo kale wuxuu noqday taariikh ahaan filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ee ugu horeyso (Third Weekend) madaama uu keenay 29.75 Crore qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday wuxuuna dhaafay filimada PK (26.75 Crore) iyo Bajrangi Bhaijaan (19.75 Crore) oo horey u ahaayeen labada filim ee todobaadka sedexaad sedexda maalmood ee ugu horeyso lacagaha ugu badan soo xareeyeen.

Dangal qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo mudo 17-maalmood wuxuu soo xareeyay 334.50 Crore waana hubaal inuu maanta oo Isniin ah dhaafi doono filimka PK iyo iskoorkiida 338 Crore ee mudo labo sano la jebin waayay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Dangal mudo 17-maalmood lacagaha uu soo xareeyay qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo:

Todobaadka Kowaad – 192.49 Crore

Toodbaadka Labaad- 111.50 Crore

Jimcada sedexaad – 6.25 Crore

Sabti sedexaad – 10 Crore

Axada sedexaad – 13.50 Crore

Todobaadka sedexaad mudo sedex maalmood ah – 29.75 Crore

Wadarta Guud – 333.63 Crore (Trade Figure) waa qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya lacagaha uu ka keenay.

Dangal qaybtiisa Tamil iyo Telugu lagu daawanayo wuxuu haatan dhaafay ganacsi ahaan marayaa 11 Crore asigoo cimri ahaantiisa ku istaagi doono 12 Crore.

Dangal hadii loogu daro lacagaha qaybta Tamil iyo Telugu lagu daawaday filimkaan wadarta guud Hindiya oo dhan mudo 13-maalmood wuxuu kasoo xareeyay 344.63 Crore (All India Business).

Natiijada Filimka Dangal: All Time Blockbuster.

You may also like...

0 thoughts on “Rasmi: Filimka Dangal Axadiisa 3-aad Lacagaha Uu Keenay Iskoor Kale Ayaa Soo Kordhay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: