Rasmi: Filimka Dangal Iyo Mudo 17-Maalmood Lacagaha Uu Soo Xareeyay Isku Darka Gudaha Hindiya Iyo Daafaha Caalamka

Filimka Dangal qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka wadar ahan mudo 17-maalmood wuxuu soo xareeyay 624 Crore (Worldwide Gross) sida ay shabakada Boxoffice India cadeesay.

Dangal mudo 17-maalmood ah qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday wuxuu keenay lacagaha guud canshuurta ka hor 448 Crore (Gross Money) waxayna noqoneysaa marka canshuurta laga jaro 333.63 Crore (Net Money).

Sidoo kale Dangal mudo 17-maalmood ah wuxuu suuqyada caalamka ka keenay 176 crore ($26 million) taasina waxay ka dhigan tahay in Dangal isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka inuu soo xareeyay 624 Crore (Worlwide Gross).

Dangal kaliya waxaa ka badan filimka PK ee isagana Aamir Khan sameeyay wuxuuna keenay 742.97 Crore (Worldwide Gross)weyna ku adag tahay Dangal inuu darajadaas gaaro madaama PK wajigiisa labaad ee daawashada uu ganacsi waali ah China ka sameeyay.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee Bollywood sameeyeen kuwooda lacagaha ugu badan soo xareeyeen isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sida shabakada Boxoffice India Trade Network xaqiijisay:

1. PK – 742 crore

2. Dangal – 624 crore (17-maalmood)

3. Bajrangi Bhaijaan – 604 crore

4. Sultan – 583 crore

5. Dhoom 3 – 539  crore

6. Chennai Express – 396 crore

7. 3 idiots – 391 crore

8. Dilwale  – 372 crore

9. Prem Ratan Dhan Payo – 365 crore

10. Bajirao Mastani  – 358 crore

F.G: Laguma darin Dangal qaybtiisa Af Tamil iyo Telugu lagu daawaday lacagaha uu ka keenay sidaas ula soco aqriste inkastoo Dangal lacago 11 Crore oo nadiif ah qaybtiisa Tamil iyo Telugu lagu daawaday soo xareeyay.

Hadii Dangal aan ugu darno lacagihiisa Af Tamil Iyo Telugu lagu daawaday kasoo xareeyay lacagiihiisa guud waxay noqonayaan:

Af Hindi – 448 Crore

Af Tamil+Telugu – 11 Crore

Suuqyada caalamka – 176 Crore

Wadarta Guud – 637 Crore (Worldwide Gross)…

You may also like...

0 thoughts on “Rasmi: Filimka Dangal Iyo Mudo 17-Maalmood Lacagaha Uu Soo Xareeyay Isku Darka Gudaha Hindiya Iyo Daafaha Caalamka”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: