Rasmi: Filimka Hollywood-ka Ah Suicide Squad Ganacsiga Uu Sameeyay Mudo Labo Todobaad Ah

Director David Ayer ayaa u suura gashay filimkiisa Suicide Squad inuu mudo labo todobaad ah hogaamiye ka ahaado Boxoffice-ka gudaha Mareekanka.

Filimka Suicide Squad oo ah cabsi iyo Super Hero isku jiro waxaa wada jilayaan Will Smith, Jared Leto, Margot Robbie, Joel Kinnaman, Viola Davis, Jai Courtney, Jay Hernandez, Adewale Akinnuoye-Agbaje, Ike Barinholtz, Scott Eastwood iyo Cara Delevingne ayaa u suura gashay inuu guul wacan gudaha Mareekanka ka gaaro.

Filimka Filimka Suicide Squad todobaadkiisa labaad wuxuu gudaha USA kasoo xareeyay $62.47M sidoo kalena todobaadkiisii kowaad wuxuu filimkaan keenay $179.10M taasi oo ka dhigan in wadar ahaan mudo labo todobaad filimkaan gudaha USA uu kasoo xareeyay $241.57M.

Filimka Suicide Squad oo tiyaatarada gudaha USA la saaray 5 bishan August ayaa lagu qarash gareeyay $175M midaas oo ka dhigan inuu todobaadkiisa kowaad dib usoo celiyay lacagaha lagu sameeyay.

Suuqyada caalamka oo kaliya Filimka Suicide Squad wuxuu ka keenay $243.40M sidoo kalena isku darka gudaha Mareekanka iyo daafaha caalamka (Worldwide Gross) Filimka Suicide Squad wuxuu ilaa haatan soo xareeyay $484.97M.

Marka laga hadlaayo filimada bisha August taariikh ahaan lacagaha ugu badan soo xareeyeen Filimka Suicide Squad waxaa maqcuul ah inuu rikoorka lacagaha kala wareego filimka Gardians of The Galaxy kaasi oo sanadii 2014 soo xareeyay $333.18M gudaha USA oo kaliya.

You may also like...

0 thoughts on “Rasmi: Filimka Hollywood-ka Ah Suicide Squad Ganacsiga Uu Sameeyay Mudo Labo Todobaad Ah”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: