Sanchez, Aguero Iyo Valencia Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Fiican Todobaadkaan EPL-ka Ee Uu Doorto Khabiirka BBC-da Garth Crooks

Chelsea ayaa gaartay guusheedii 7-aad oo xiriir ah kulamada horyaalka Ingiriiska markii ay Stamford Bridge ku dubatay Tottenham Hotspur sabtidii, halka kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Arsenal ay guulo gaareen qudhooda kuwaas oo lakala ciyaaray Burnley, Bournemouth iyo Sunderland.

Khabiirka BBC-da Garth Crooks ayaa soo doortay shaxdiisa todobaadka, waxaana kasoo muuqday ciyaartoy waaweyn goolhayihii h–e Spurs Paul Robinson ayaa goolka kasoo muuqday kaas oo kooxdiisa 1-2 looga adkaaday balse sameeyay caawinaad sidoo kalana badbaadooyin fiican sameeyay.

Dhanka daafaca waxaa kasoo muuqday James Milner oo si adag u ciyaaray kulankii Sunderland, Ogbonna oo dadaal weyn muujiyay ciyaartii Old Trafford ee ay barabraha ka heleen Manchester United iyo daafaca kooxda Southampton Van Dijk.

Inkastoo kooxdiisa ay barbaro ku gashay gurigeeda hadana Antonio Valencia xalay wuxuu u shaqeeyay si adag, shaxda Garth Crooks ayuuna kasoo muuqday.

Victor Moses oo ahaa xidigii guusha siiyay Chelsea kulankii Tottenham madama uu dhaliyay goolka qura oo ay ku adkaadeen ayaa shaxdaan dhexda lamaan kula ah labada wiil ee Swansea City Sigurdsson iyo Fer kuwaas oo guul waali ah gaarsiiyay kooxdooda markii ay 4-5 ku dubteen Crystal Palace.

Alexis Sanchez iyo Sergio Aguero oo min laba gool dhaliyay kulamadooda isbuucaan ayaana weerarka lamaan ku ah halka Fernandinho uu ku jiro ciyaartoyda khadka dhexe.

You may also like...

0 thoughts on “Sanchez, Aguero Iyo Valencia Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Fiican Todobaadkaan EPL-ka Ee Uu Doorto Khabiirka BBC-da Garth Crooks”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: