Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United v Arsenal – Rashford Oo Weerarka United Hogaaminaya, Rooney Oo Keyd Ku Jira, Sanchez Oo Arsenal Hogaaminaya & Jenkinson Oo Lagu Soo Bilaabay.

Tababare Jose Mourinho ayaa kulankaan weerarka afka hore ku soo bilaabay Marcus Rashford madaama Zlatan Ibrahimovic uu ganaax ku maqan yahay halka Wayne Rooney uu kursiga keydka ku jiro weli.

Waxaa ka danbeeya Anthony Martial, Juan Mata iyo Paul Pogba halka khadka dhexe ee danbe ay fadhiyaan Michael Carrick oo khibradiisa loo ciyaarsiinayo kulankaan, waxaana ka garab ciyaaraya xiddiga Isbaanishka Ander Herrera.

Valencia ayaa booska daafaca midig ku soo laabtay, halka Darmian uu ka ciyaarayo daafaca bidix, Marcos Rojo iyo Phil Jones ayaana daafaca dhexe ciyaaraya.

Dhanka tababare Arsene Wenger waxa uu kulankaan ku soo bilaabay Jenkinson oo daafaca midig ka ciyaaraya madaama uu Hector Bellerin dhaawac ku maqan yahay.

Booska burburiyaha khadka dhexe waxaa iska garab ciyaaraya Coquelin iyo Elneny iyadoo Granit Xhaka uu kursiga keydka fadhiyo.

Alexis Sanchez ayaa taam u noqday inuu hogaamiyo weerarka Arsenal iyadoo ay ka danbeeyaan Walcott, Ozil iyo Ramsey.

SHAXDA RASMIGA AH:

Man United (4-2-3-1): De Gea, Valencia, Jones, Rojo, Darmian, Carrick, Pogba, Mata, Herrera, Martial, Rashford.

Keyd: Romero, Blind, Schneiderlin, Lingard, Young, Memphis, Rooney

Arsenal (4-2-3-1): Cech, Jenkinson, Mustafi, Koscielny, Monreal, Coquelin, Elneny, Walcott, Ozil, Ramsey, Sanchez

Keyd: Ospina, Gibbs, Gabriel, Xhaka, Oxlade-Chamberlain, Iwobi, Giroud.

You may also like...

0 thoughts on “Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United v Arsenal – Rashford Oo Weerarka United Hogaaminaya, Rooney Oo Keyd Ku Jira, Sanchez Oo Arsenal Hogaaminaya & Jenkinson Oo Lagu Soo Bilaabay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: