Sturridge, Grujic & Milner Oo Shaki La Galinayo Iney Qeyb Ka Noqdaan Kulanka Arsenal Ee Axadda

Sadex ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Liverpool ayaa shaki la galinayaa iney qeyb ka noqdaay kulanka Arsenal ee Axadda dhici doona.

Daniel Sturridge, James Milner & Marko Grujic ayaa loo maleynayaa iney seegi doonaan kulanka Axadda dhici doona taasoo Jurgen Klopp dhibaato u noqon karta.

Sturridge ayaa laga saaray shaxdii ay Liverpool ku wajahday Barcelona iyo Mainz sababo la xiriira dhibaato misigta ah, iyadoo Klopp uu sheegay inuusan wax fikrad ah ka heysanin hadii uu taam u noqon doono kulanka Emirates Stadium ka dhici doona.

James Milner waxaa dhaawac looga saaray ciyaartii Barcelona halka Grujic uu isna dhibaato dhanka jilibka ah ka dhaxlay ciyaartii Mainz.

Liverpool Echo ayaa sharaxday in midkood Milner iyo Sturridge uusan qeyb ka noqon tababarkii ay Melwood ku sameeyeen, balse Grujic waxey u egtahay inuu kasoo kabanayo jugtii kasoo gaartay Jilibka.

Sadexda Kulan ee ugu horeysa Liverpool Horyaalka Premier League-ga xagaagan waxey ku ciyaari doontaa meel ka baxsan gurigeeda madama dib u dhiskii Anfield uusan dhamaan.

You may also like...

0 thoughts on “Sturridge, Grujic & Milner Oo Shaki La Galinayo Iney Qeyb Ka Noqdaan Kulanka Arsenal Ee Axadda”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: