Advert

Follow Us

Song of the day

Super Star Jr NTR Filimkiisa Cusub Nannaku Prematho Oo Wacdaro Ka Dhigaayo Koonfur Hindiya

Super Star Jr NTR ayaa awoodiisa markale muujiyay madaama uu xidigan la yimid filimka ugu horeeyay ee sanadkan reer Telugu indhaha ku kala qaateen.

Super Star Jr NTR filimkiisa cusub Nannaku Prematho ayaa mudo 4-maalmood ah lacago $1M sare u dhaafayo gudaha Mareekanka tiyaatarada ku yaalo kaga soo xareeyay sida ay xaqiijisay shabakada IB Times.

Super Star NTR ayaa ku faraxsan in filimkiisa uu aqoonsi caalami ah Waqooyiga Ameerika ka helay sidoo kalena filimkan mudo sedex maalmood xogta la haayo wuxuu Koonfur Hindiya kaga soo xareeyay 30 Crore.

Filimkan xiisaha badan ayaa la filaa in wadar ahaan gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka inuu kaga soo xareeyo 4-maalmood ee ugu horeyso marka uu dhameesti 50 Crore lacago sare u dhaafayo.

Super Star Jr NTR waxaa filimkiisa cusub ku wehliyaan xidigaha kala ah Rakul Preet Singh, Jagapathi Babu iyo Rajendra Prasad waana filim ka hadlaayo xiriirka ka dhaxeeyo wiil iyo aabihiis oo qiiro badan.

Super star Jr NTR filimkiisa cusub Nannaku Prematho wuxuu noqday filimka sedexaad ee xidigan Tollywood-ka ka tirsan ee $1M gudaha Mareekanka kasoo xareeyo waxaana darajadan kaga horeeyeen filimadiisa kala ah Baadhash ($1.23M iyo Temper (1.005M).

Sidaa darteed NTR filimkiisa cusub Nannaku Prematho waxaa la hubaa inuu gudaha Mareekanka kasoo xareyn doono in ka badan $2.5M hadii uu sidaan kusii socdo.

You may also like...

One thought on “Super Star Jr NTR Filimkiisa Cusub Nannaku Prematho Oo Wacdaro Ka Dhigaayo Koonfur Hindiya”

  1. bakar says:

    gormey laso deyna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...
error: