Sussanne Khan Oo Si Lama Filaan Ah Uga Yaabsatay Seygeedii Hrithik Roshan

Atooraha sida weyn looga jecel yahay shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Hrithik Roshan wuxuu maanta u dabaaldegayaa sannad guuradiisii 43aad ee kasoo wareegtay maalintii uu ifka kusoo biiray.

Xiddigaha caanka ah ee Bollywood ayaana waxay baraha bulshada hambalyo ugu soo direen Hrithik Roshan. Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah hambalyadaas wuxuu ka helay xaaskiisii ay kala tageen Sussanne Khan waxayna noqotay hambalyada ugu ilqabadka badan.

Sussanne Khan oo labada wiil Hrehaan iyo Hridhaan ayey u dhashay Hrithik. Dhawaan waxay booqdeen Dubai halkaasoo ay dalxiis ku tageen afartoodu Hrithik iyo Sussanne, caruurtooda Hrehaan iyo Hridhaan.

Sussanne waxay muujisay in uusan marnaba maankeeda ka go’in Hrithik oo ay muddo 14 sanno ah isqabeen, waxayna ugu hambalyeysay dhalashadiisa 43aad iyadoo kusoo  qortay barteeda Instagram: “Dhalasho wacan, midda ugu farxadda badan ayaan kuu rajeynayaa adiga.” –  Waxaana la socday sawir xusuus leh oo ay kula jirto HR.

You may also like...

0 thoughts on “Sussanne Khan Oo Si Lama Filaan Ah Uga Yaabsatay Seygeedii Hrithik Roshan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: