Suuqa Kala Iibsiga: Manchester City Iyo Juventus Oo Caqabad Ku Ah Heshiiska Cusub Ee Alexis Sanchez

Kooxda Manchester City Iyo Juventus ayaa caqabad ku noqonaya heshiiska cusub ee uu Alexis Sanchez u saxiixi lahaa kooxdiisa Arsenal iyadoo labadaan kooxood ay si ba’an u doonayaan xidigaan heerka caalami sida ay ku warameyso Daily Mirror.

Weeraryahanka Gunners iyo qaranka Chile ayaa la hadal hayay inuu heshiis cusub u saxiixayo kooxdiisa tan iyo bishii August, balse ma jiraan wax hirgalay iyadoo sadex bilood laga joogo.

Arintaan waxey albaabada u fureysaa kooxaha Manchester City iyo Juventus oo sidoo kale caqabad ku noqon kara in xidigaan uu kusii fakaro inuu mustaqbal dheer ku yeesho Emirates Stadium, Alexis waxaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 50 Malyan Oo Pound.

Pep Guardiola wuxuu raadinayaa inuu awood buuxda u helo weerarkiisa halka Juventus ay iyana qudheeda dooneyso iney adkeyso afka hore iyadoo ku fakareysa iney lala lamaaniso Dybala iyo Higuain.

Si kastaba wararkaan xanta ah ayaa imaanaya xilli sidoo kale Mesut Ozil iyo Hector Bellerin qudhooda la hadal hayo iney si rasmi ah qandaraas kordhin qalinka ugu duugi doonaan dhawaan.

You may also like...

0 thoughts on “Suuqa Kala Iibsiga: Manchester City Iyo Juventus Oo Caqabad Ku Ah Heshiiska Cusub Ee Alexis Sanchez”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: