Tababare Zidane Oo Barbareeyay Rikoorkii Guuldaro La’aanta Ee Carlo Ancelotti Qarkana U Saaran Inuu Mid Cusub Dhigo

Guushii ay Real Madrid ka gaartay Sporting Gijon sabtidii ayaa keentay in macalinka reer France ee Zinedine Zidane uu barbareeyo rikoorkii ugu dheeraa ee dhanka guuldaro la’aanta oo ay sameyso taariikhda kooxda Los Blancos markaas oo ay ka hoos ciyaarayeen Carlo Ancelotti.

31 Kulan ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay oo uu Zidane guuldaro la kulmo dhamaan tartamada oo dhan markaasna waxaa 2-0 kaga farxashay Wolfsburg, guushii Gijon ayaana ka dhigan inuu barbareeyay rikoorkii guuldaro la’aanta ee uu sameeyay macalinka haatan ee Bayern Munich Carlo Ancelotti.

Kulanka xiga waxey kooxda leedahay kulan ka tirsan Copa del Rey lugtiisa labaad oo ay la ciyaareyso Cultural Leonesa, taasoo u noqon karta kulan kale oo raaxo ah oo uu rikoor cusub ku dhigi karo ka hor inta uusan 3-da December wajahin Barcelona.

You may also like...

0 thoughts on “Tababare Zidane Oo Barbareeyay Rikoorkii Guuldaro La’aanta Ee Carlo Ancelotti Qarkana U Saaran Inuu Mid Cusub Dhigo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: