Tiger Zinda Hai, 1921, Mukkabaaz Iyo Kaalakandi Maalintii Shalay Ahayd (Talaado) Ganacsiga Ay Sameeyeen

1

Filimka Tiger Zinda Hai ayaa 1 Crore keenay Talaadadiisa afaraad taasi oo ka dhigan in ganacsigiisa guud wadar ahaan uu haatan maraayo 328 Crore (Trade Figure).

Waxaana muuqato in TZH ganacsigiisa ku istaagi doono 335 Crore balse rajo ayaa soo baxday inuu filimkan ganacsigiisa sii socon doono madaama filimka weyn Padmaavat oo todobaadka dambe tiyaatarada la saarayo ilaa lix gobol haatan laga mamnuucay in laga daawado.




TZH maanta ayuu ganacsigiisa Mumbai oo kaliya 100 Crore gaari doonaa sidoo kalen Delhi 75 Crore halka East Punjab uu ka keenay 35 Crore, taasi oo ka dhigan filimkaan 100 Crore ka badan uu Mumbai kasoo xareen doono halka Waqooyigana wadar ahaan 110 Crore uu ka keeni doono marka uu tiyaatarada ka dago!

Dhinaca kale filimka 1921  ayaa si fiican isku celinaayo wuxuuna keenay 1.25 Crore Talaadadiisa kowaad sidoo kalena wadarta guud mudo 5-maalmood ah wuxuu keenay 9 Crore (Trade Figure).

Filimka 1921  wuxuu u baahan yahay 20 Crore inuu keeno si uu u noqdo filim bad baaday haatana todobaadkiisa kowaad 11 Crore ayuu keeni doonaa rajadana ma xumo in todobaadkiisa labaad ganacsiga uu sameeyo uu 20 Crore ku gaaro.

Filimka Mukkabaaz waa Big Flop asigoo 70 Lakh keenay wuxuuna ku socdaa in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 7 Crore kadibna meel uma socon doono.

Ugu dambeyntii Saif Ali Khan filimkiisa Kaalakandi wuxuu noqday Big Disaster asigoo keenay 40 Lakh maalintii shalay ahayd wuxuuna todobaadkiisa kowaad keeni doonaa 4.50 Crore (Trade Figure).

Saif Ali Khan xaalada adag uu bartanka kaga jiro waxaa tusaale kuugu filin in filimkaan Kaalakandi uu ganacsi ahaan ka hooseen doono Saif filimkiisii ugu dambeeyay Chef ganacsi ahaan 5 Crore keenay!

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here