Triple H Ma Bad Baadsaday Masiirkiisa Musaaracada Mise Waxaa Soo Afjaray Batista?

0

Kulamdii uu Bandhiga Wrestlemania marti galiyay waxaa kamid ahaa kulankii Triple H masiirkiisa lagu xiray isna wajahayeen Batista. The Animal v The Game.

Feerka ayaa bilowday iyadoo faktii horaba uu Batista hogaanka la wareegay siduu doonana ka yeeshay Triple H hase yeeshee HHH ayaa soo rogaal celiyay markiisana cayaarta hogaanka u qabtay iyadoo cayaar lagu jilbo murxay ay meesha ka dhacday.




Kadib dagaalka ayaa jaho kale yeeshay kadib markii banaanka riingaha la isla aaday ayadoo Triple H uu maanka ku haayay hadii kulankaan laga guuleysto uusan mardambe musaaraco cayaari Karin sidaas owgeed wuu ku qasbanaa in awoodiisa dhan kulanka isugu geeyo.

Xili ay cayaarta meel aad u xun mareyso qofkastana guusha laga filan karo ayaa waxaa Triple H caawiyay saaxiibkiis Ric Flair kadib markii uu si qarsoodi ugu dhiibay buruskii uu Triple H caanka ku yahay kaasoo asna u adeegsaday Batista kahor inta uusan guusha gaarin.

Triple H ayaa sidaas kaga guuleystay dhigiisa Dev Batista xili Batista uu aad uga careysnaa caawinta Ric Flair uu siiyay Triple H.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here