UGU DAMBEYN, Miyey Iulia Vantur Xaqiijisay Inuu Xiriir Jaceyl Kala Dhexeeyo Salman Khan?

Muddo dheer ayey saxaafaddu si weyn uga hadleysay nuuca xiriir ee ka dhexeeya Salman Khan iyo gabadha lagu magacaabo Iulia Vantur. Shaqsi ahaantiisu atooraha caanka ah ee shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood wuxuu markasta muujiyaa inuu keliya saaxiib la yahay modelka reer Romania, sidoo kalena uu ka caawinayo qaabkii ay shaqo joogto ah uga heli laheyd Bollywood.

36 sanno jirtaan Iulia Vantur ayaa si aad ah ugu dhow Bhai Khan waxaana la qorsheynayey inay isguursadaan dabayaaqadii sannadkii tegay laakiin taasi marnaba ma aysan dhicin.

Wixii intaas ka dambeeyey, Vantur waxay ka tagtay India waxayna ku laabatay dalkeeda, warbaahinta Hindiya ayaana si weyn uga sheekeeyey inay kala hareen iyada iyo Salman Khan. Hase yeeshee, Iulia Vantur dib ayey ugu soo laabatay India waxayna haatan ku jirtaa bilowga waayaheeda fanka Bollywood, xafladdii Stardust Awards 2016 ayeyna wacdaro ka dhigtay xalay oo Axad aheyd.

Iulia waxay dadka hortiisa ka caddeysay inuu xiriir jaceyl kala dhexeeyo Sallu, sababtana waxaa sheegay warbaahinta afka dheer ee dalka India… Markaa ay soo istaagtay masraxa waxay muujisay sida ay ugu dhow dahay Sallu waxayna goobta ka qaaday heesaha uu caanka ku yahay Main hoon hero, Teri meri prem kahaani iyo Jumme ki raat… Sidoo kale waa ay ku ciyaartay.

Shaqsi kasta oo lagu casuumay xafladdaan ayaana filayey inuu Salman Khan masraxa usoo raaci doono modelka reer Romania markii ay dadka ka hor qaadeysay heesteeda Every Night and Day balse taasi ma aysan dhicin fannaanka lagu magacaabo Himesh Reshammiya ayaana masraxa kula soo biiray.

Shah Rukh Khan iyo Amitabh Bachchan ayaa ka mid ahaa xiddigihii caanka ahaa ee lagu casuumay xafladdaan. Labadaan halyeey ee Bollywood ayaana qiray inay Vantur tahay fannaanad cajiib ah maadaama ay si fasiix ah ugu heesti karto afka Hindiga.

You may also like...

0 thoughts on “UGU DAMBEYN, Miyey Iulia Vantur Xaqiijisay Inuu Xiriir Jaceyl Kala Dhexeeyo Salman Khan?”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: