Advert

Follow Us

Song of the day

Vijaypath (Hit) Iyo Main Khiladi Tu Anari (Hit) Loolanka Awooda Boxoffice Ajay Iyo Akshay Oo Meel Xasaasi Ah Maraayo

Sidii aan idiin balan qaadnay marwalbo oo ay shabada Boxoffice India soo bandhigto macluumaadka saxda ee aflaanta Bollywood-ka maantana xog xiiso badan ayaan idiin heynaa.

Hadaba shabakada Boxoffice India oo ah Web-ka looga haray macluumaadka Aflaanta Bollywood-ka ayaa soo bandhigtay natiijooyinka filimo caan ah oo dib loo saxay.

Hadaba natiijada filimada sida rasmiga ah loo xaqiijiyay waxaa ugu xiiso badan filimka Vijaypath ee Ajay Devgn hogaamiyaha ka yahay in Hit dhameestiran loo aqoonsaday.

Sidoo kalena filimka Main Khiladi Tu Anari ee Akshay Kumar hogaamiyaha ka yahay isagana Hit dhameestiran ayaa oo aqoonsaday.

Labadan filim sanadii 1994 ayay soo baxeen waxaana haatan xiiso leh in labadan natiijadooda rasmiga ah lasoo bandhigay midaasna waxay sare u qaaday aflaanta Hit-ka dhameestiran oo ay heestaan labada Super Star ee loolanka ka dhaxeeyo Ajay Devgn iyo Akshay Kumar.

Marka hore fadlan nala ogaada xogta laga soo bandhigay filimada Vijaypath iyo Main Khiladi Tu Anari:
image
Vijaypath jilaayaasha Filimkan: Ajay Devgn, Tabu iyo Dani Danzogbia

Lacagaha nadiifka ah ee uu soo xareeyay: 6.45 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 2.75 Crore

Kooxda cajaladaha qeybiyeen lacagaha ay qaateen: 3.31 Crore

Tirada guud ee filimkan daawatay: 10-milyan iyo 116,000 oo qof ayaa tiyaatarada tikit u goosatay

Natiijada rasmiga ah: Hit
image
Main Khiladi Tu Anari Jilaayaasha filimkan: Akshay Kumar, Saif Ali, Shilpa Shetty iyo Shakti Kapoor

Lacagaha nadiifka ah ee uu soo xareeyay: 7.491Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 3.25 Crore

Kooxda cajaladaha qeybiyeen lacagaha ay qaateen: 4.09 Crore

Tirada guud ee filimkan daawatay: 11-milyan iyo 162,000 oo qof ayaa tiyaatarada tikit u goosatay

Natiijada rasmiga ah: Hit

Ajay Devgn Vs Akshay Kumar Mid Walbo Filimada Hit-ka Dhameestiran Ee Ilaa Haatan La Hubo:

Anagoo tixraaceyno shabakada Boxoffice India aflaanta ay dib u saxday laga soo bilaabo sanadii 1994 ilaa 2015 labada Super Star aan isla fiirino awoodooda Boxoffice.

Ajay Devgn ilaa haatan xogta filimadiisa ee dib u saxday shabakada Boxoffice India marka aan soo xigano wuxuu xidigan heestaa 18-Filim oo Hit dhameestiran noqdeen iyo guud ahaan 32-Filim oo guuleesteen.

Akshay Kumar ilaa haatan xogta filimadiisa ee dib u saxday shabakada Boxoffice India marka aan soo xigano wuxuu xidigan heestaa 19-Filim oo Hit dhameestiran noqdeen iyo guud ahaan 39-Filim oo guuleesteen.

Waxaa xusid mudan in labadan Super Star loolankooda uusan dhamaanin waayo filimo badan oo ay jileen ayaan weli xogtooda iyo natiijadooda weli la saxin.
image
Tusaale ahaan sanadii 1994 Ajay waxaa u harsan oo aan weli loo saxin filimka Dilwale oo la hubo inuu Hit dhameestiran yahay sidoo kalena Akshay Kumar asigana isla sanadii 1994 wuxuu keenay filimka Yeh Dillagi oo isagana la sadaalinaayo in Hit dhameestiran noqon doono.

Sidoo kalena sanadaha 1993, 1992 iyo 1991 aflaanta ay jileen labadan Super Star weli lama sixin hadaba aqriste sheekada waa faanoole weli fari kama qodno.

Laakiin xogta saxda ah ee ilaa haatan shabakada Boxoffice India soo bandhigtay Akshay Kumar ayaa dheer saaxiibkiis Ajay 1-Filim oo Hit dhameestiran ah iyo 7-Filim oo guuleesteen.

Fadlan Hoos Kaga Bogo Ajay Iyo Akshay Aflaanta Hit-ka u noqdeen iyo kuwa u guuleesteen ilaa haatan magac yadooda:

Ajay Devgn iyo 18-Filim ee Hit-ka dhameestiran noqdeen: Vijaypath (Hit), Suhaag (Hit), Jaan (Hit), Ishq (Super Hit), Pyaar To Hona Hi Tha (Super Hit), Kachche Dhaage (Hit), Hum Dil De Chuke Sanam (Hit), Bhoot (Hit), Masti (Hit), Golmaal (Hit), Golmaal Returns (Hit), Raajneeti (Super Hit), Once Upon A Time In Mumbaai (Hit), Golmaal 3 (Blockbuster), Singham (Super Hit), Bol Bachchan (Hit), Son of Sardar (Hit), Singham Returns (Super Hit)

Akshay Kumar iyo 19-Filim ee Hit-ka dhameestiran noqdeen: Main Khiladi Tu Anari (Hit), Suhaag (Hit), Mohra (Blockbuster), Sabse Bada Khiladi (Hit), Khiladiyon Ka Khiladi (Super Hit), Andaaz (Hit), Mujhse Shaadi Karogi (Hit), Garam Masala (Hit), Phir Hera Pheri (Super Hit), Bhagam Bhag (Hit), Heyy Babyy (Hit), Bhool Bhulaiyaa (Hit), Welcome (Super Hit), Singh Is King (Super Hit), Housefull (Hit), Housefull 2 (Super Hit), Rowdy Rathore (Blockbuster), OMG! Oh My God (Super Hit), Holiday (Hit).

Ajay Devgn Iyo 14-Filim Ee Guulaha U Gaareen: Naajayaz (Average), Diljale (Semi Hit), Major Saab (Semi Hit), Hogi Pyar Ki Jeet (Semi Hit), Hindustan Ki Kasam (Average), Company (Average), Qayamat (Average), Gangaajal (Average), Khakee (Average), Kaal (Average), Apaharan (Semi Hit), All The Best (Average), Atithi Tum Kab Jaoge? (Average), Drishyam (Average).

Akshay Kumar Iyo 20-Filim Ee Guulaha U Gaareen: Zaalim (Average), Mr. & Mrs. Khiladi (Semi Hit), Jaanwar (Semi Hit), Hera Pheri (Average), Dhadkan (Average), Ek Rishtaa (Average), Ajnabee (Average), Aankhen (Average), Awara Paagal Deewana (Average), Khakee (Average), Aitraaz (Average), Waqti (Average), Namastey London (Semi Hit), Kambakkht Ishq (Average), De Dana Dan (Average), Tees Maar Khan (Semi Hit), Khiladi 786 (Average), Special 26 (Semi Hit), Baby (Average), Gabbar Is Back (Semi Hit).

F.G: Hit dhameestiran waxaa loola jeedaa filimada natiijo ahaan ka bilaabanayan Hit, Super Hit, Blockbuster iyo All Time Blockbuster.

Filim guuleestay waxaa loola jeedaa filim natiijadiisa ka bilaabaneyso Average kuna eg tahay Semi Hit.

Sidaa darteed Ajay Devgan wuxuu heestaa 18-filim oo Hit dhameestiran ah iyo 14-filim oo guuleesteen wadar ahaan aflaanta guud ee xidigan u guuleesteen waa 32-filim.

Halka Akshay Kumar uu heesto 19-filim oo Hit dhameestiran ah iyo 20-filim oo guuleesteen wadar ahaana aflaaanta guud ee xidigan u guuleesteen waa 39-filim.

You may also like...

0 thoughts on “Vijaypath (Hit) Iyo Main Khiladi Tu Anari (Hit) Loolanka Awooda Boxoffice Ajay Iyo Akshay Oo Meel Xasaasi Ah Maraayo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...
error: