Waqtiga Ay Liverpool Warbixin Kasoo Saari Doonto Xaaladda Dhaawaca Philippe Coutinho Oo La Ogaaday, Immisa Ayaase Macquul Ah Inuu Seego Garoomada?

Sida laga hordhacay Philippe Coutinho ayey macquul tahay inuu garoomada ka maqnaado muddo 6 todobaad ah iyadoo laga cabsi qabo in xidigaan heerka caalami uu ka jabay canqawga kadib markii dhaawac looga saaray kulankii Sunderland ee sabtidii.

Philippe Coutinho ayaa maanta mari doona tijaabo caafimaad iyadoo kooxda ka dhisan Anfield Road ay warbixin caafimaad kasoo saari doonto xaaladiisa galinka dambe ee maanta markaas oo la ogaan doono mudada rasmiga ah oo uu Coutinho ka maqnaan doono kooxda Jurgen Klopp.

Sida ay ku waramayaan ilo ku dhaw Liverpool lama filayo inuu xidigaan jab soo gaaray, inkastoo 24-jirkaan uu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono hadii ay dhaawac jab ah uu jiro.

Philippe Coutinho ayaa lagu arkay xerada tababarka Melwood shalay oo Axad aheyd isagoo lugta ka duuban, arintaan ayaana kusoo aadeysa xilli Liverpool ay kulamo culus yeelan doonto bisha December ee soo aadan.

Dhanka kale Firmino ayey isagana jug soo gaartay ciyaartii Sunderland balse lama filayo inuu xidigaan qabo dhib aad u weyn.

You may also like...

0 thoughts on “Waqtiga Ay Liverpool Warbixin Kasoo Saari Doonto Xaaladda Dhaawaca Philippe Coutinho Oo La Ogaaday, Immisa Ayaase Macquul Ah Inuu Seego Garoomada?”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: