Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasha shabakadda SomFilms.net, waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan idinkaga soo aruurinayay warbaahinta caalamka. sheeko walba waxaan u xaglin doonaa halka aan kasoo xiganay taasoo meesha ka saareysa inaan masuul ka noqono dhabnimada iyo jiritaanka warkaas.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya inuu bangiga u jabiyo sidii uu kooxda ugu sii heyn lahaa Alexis Sanchez oo 27-jir ah kaas oo ay baacsanayaan kooxo badan. (Metro).

Crystal Palace macalinkeeda Alan Pardew ayaa wajahaya mashaqo madama 48-saac ee soo aadan ay shaqadiisa ka hadli doonaan maamulka kooxda Selhurst Park ka dhisan. (Express).

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann kaas oo 25-jir ah ayaa meesha ka saaray inuu u dhaqaaqo Real Madrid iyo Paris Saint Germain, balse xidigaan reer France ayaa u furan inuu u dhaqaaqi karo Barcelona iyo Premier League-ga. (Goal).

Liverpool khadkeeda dhexe Philippe Coutinho kaas oo 24-jir ah ayaa ka maqnaan doona garoomada tan iyo dhamaadka sanadka kadib markii uu canqawga ka dhaawacmay kulankii Sunderland. (Mirror)./

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa wajahi kara laba kulan oo ganaax ah kadib markii uu kaarka cas la siiyay kulankii West Ham oo ay barbaraha galeen. (Mirror).

Si kastaba garsoorahii h–e Premier League-ga Graham Poll ayaa shaaca ka qaaday in FA-ga ay tahay iney ganaaxaan macalinka reer Portugal lix kulan. (Mail)

Manchester United weeraryahankeeda Wayne Rooney ayaa quuldareynaya inuusan wax sawir ah la galin Jamaahiirtiisa kadib markii uu fadeexo dhexda ka galay horaantii bisha November markaas oo sawiro laga qaaday isagoo cabsan. (Daily Mirror)

Kooxaha Talyaaniga ah ee AC Milan iyo Inter Milan ayaa kula soo biiray West Bromwich Albion dagaalka loogu jiro saxiixa xiddiga reer France ee Liverpool Mamadou Sakho bisha January. (Daily Mirror).

You may also like...

0 thoughts on “Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Oo Ay Qoreen Wargeysyada Ingiriiska”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: