Yaa Ku Guuleystay Suunkii Hablaha Ronda Rousey? Becky Lynch? Mise Charlotte Flair?

0

Waxaa cayaar aad u culus misna sadax geesood aheyd taasoo loogu tartamayay labada sun ee gabdhaha RAW iyo SmackDown cidii isku darsan laheyd.

Cayaarta oo qaab xamaasad leh ku bilaabatay ayay labada xidig ee Charlotte Flair iyo Becky Lynch fagtii horaba isugu tageen Ronda Rousey oo u muuqatay mid labadoodaba ka xoog badan si sahal ahna ku dili kartay.




Bcky Lynch iyo Charlotte Flair ayaa ku guuleystay iney riingaha ka tuuraan Ronda Rousey kadib inteysan labadooda isku jeesan dagaal adagna uusan dhex marin.

Xili Becky Lynch qarka u saarneyd iney garaacdo Charlotte Flair suumankana qaadato ayaa waxaa riingaha dib ugu soo laabatay Ronda Rousey moqifkiina badbaadisay.

Waxaa meesha ka dhacay dagaal aanan waxba la iskula harin iyadoo xidigaha gabdhaha jirkooda laga dareemaayay jugta culus ay is gaarsiinayeen hase yeeshee ugu dambeyntii waxaa si lama filaan ah indhah ku xaday Becky Lynch kadib markii ay ka guuleysatay Ronda Rousey oo la is lahaa suumanka wey isku darsan doontaa.

Becky Lynch ayaa sidaas labadii Suunba kula carowday waxaana riingaha isaga baxeen Charlotte Flair iyo Ronda Rousey oonan waxba wadanin halka Becky Lynch guusheeda u dabaal dageysay.