Yaya Toure Oo Ku Amray Wakiilkiisa Dimitri Seluk Inuu La Heshiiyo Pep Guardiola Si Uu Ugu Soo Laabto Kooxda Man City.

Yaya Toure ayaa u sheegay wakiilkiisa inuu la heshiiyo tababaraha Manchester City Pep Guardiola.

Ka dib dagaal afka ah oo u dhaxeeyay wakiilka Toure ninka lagu magacaabo Dimitri Seluk iyo tababaraha Manchester City Guardiola, xiddiga khadka dhexe ee Ivory Coast ayaa ku amray la taliyihiisa inuu nabad raadiyo.

Seluk ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu xiriir cusub la yeesho tababare Guardiola isagoo rajeynaya inay taasi soo gabagabeyn doonto mamnuuciada Yaya Toure laga mamnuucay kooxda koowaad ee City.

“Waxaan la hadlay Yaya maalmihii u danbeeyay waxaana uu i weydiistay inaan la heshiiyo Pep” ayuu yiri Seluk sida ay qortay Daily Mirror.

“Waxaana ka ogolaaday inaan sameeyo wax walba oo aan xaalada ku hagaajin karo sababtoo Yaya iyo Manchester City ayay soo gaartay xabadihii la isweydaarsaday.

“Dhab ayay iga tahay waxa aan sheegayo.

“Qaar ka mid ah jaamhiirta City ayaa la xiriiray Yaya una sheegay in qasab tahay in la helo wado hore loogu socdo. Qaar ka mid ah asxaabta Yaya ee City ayaa iyagana ila soo xiriiray oo si la mid ah ii sheegay.”

You may also like...

0 thoughts on “Yaya Toure Oo Ku Amray Wakiilkiisa Dimitri Seluk Inuu La Heshiiyo Pep Guardiola Si Uu Ugu Soo Laabto Kooxda Man City.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Search

Advert

Like Us On Facebook



Polls

How Is My Site?

View Results

Loading ... Loading ...

Advert

Follow Us

Song of the day

error: